Dagaal Culus oo dhexmaray Ciidanka dowladda, kuwa AMISOM & Al-shabaab.

Ciidamada Howlgalka.jpg1Dagaallo culus oo la isku adeegsaday hub kala duwan ayaa saqdii dhexe ee xalay illaa aroortii saaka ku dhexmarayay deegaanka Arbacow oo ku dhow deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho waxay ku dhexmareen ciidamad dowladda oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab.

Iska-horimaadkan oo aan la ogeyn illaa hadda khasaaraha ka dhashay ayaa la sheegay inuu ahaa mid culus, iyadoo dadka ku nool deegaanka Ceelasha Biyaha ay sheegeen in tan iyo xalay ay maqlayeen hubka labada dhinac ay u adeegsanayeen dagaalka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in baqdin weyn uu dagaalkan ku beeray dadka ku nool Ceesha Biyaha, balse aysan jirin wax madaafiic ah oo kusoo dhacay deegankaas oo dadku ay dib ugu laabanayaan.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in dagaalkan uu yimid kaddib markii ay xoogaggoodu jihooyin dhowr ah ka weerareen saldhigyo ay ciidamadu ku lahayaeen deegaanka Arbacow oo dhinaca Koonfureed ee Ceelasha Biyaha ku yaalla.

“Ciidamadeenna waa dhowr jaho ka weeraray saldhigyo ay ciidamada Afrika ka socda iyo kuwa dowladdu ku lahaayeen deegaankaas, khasaare xooggan ayaana u geysannay,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha Al-shabaab oo la hadlayay warbaahinta ku hadasha afkooda.

Ma jiro wax khasaare ah oo ay Al-shabaab sheegtay inuu dagaalkaas kasoo gaaray iyo tirade khasaaraha ay geysteen, iyadoo sidoo kalena aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Somalia iyo AMISOM oo ku aaddan dagaalkan.

Si kastaba ha ahaatee, deegaanka Arbacow ee lagu dagaalamay ayaa waxaa tan iyo markii Al-shabaab laga qabsaday deegaanka Ceelasha Biyaha ku lahaa saldhigyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

SomaliSwiss         Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: