Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta sheegay in dib loo dhigay xiritaanka kal-fadhiga shanaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Guddomiye JawaariGuddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa maanta sheegay in dib loo dhigay xiritaanka kal-fadhiga shanaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya oo lagu waday inuu xirmo 22-ka bishan Jannaayo oo ku beegan Khamiista nagu soo aaddan.

Arrintan ayaa imaanaysa kaddib markii xildhibaannada baarlamaanku ay si aqlabiyad ah ku ogolaadeen maanta in muddo 14 maalmood ah in la siiyo ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid oo dib u habeyn ku sameyn doono golihiisa wasiirrada, kaddib markii uu xalay kala diray xukuumaddii uu horay u dhisay.

Prof. Jawaari oo ka hadlayay kulankii baarlamaanka Somalia ee maanta ayaa sheegay in kal-fadhiga shanaad lasoo la xiri doono 05-ta Febraayo 2015-ka, isla markaana muddo kordhin loo sameeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya si uu xukuumad u soo dhiso, una horkeeno baarlamaanka.

“Iyadoo xiritaanka kalfadhiga shanaad uu ku beegnaa 22-ka bishan Janaayo dib ayaa loo dhigay illaa 05-ta bisha soo socota ee Feberaayo, maxaa yeelay ra’iisul wasaaraha waxaan siinnay 14 maalmood oo naga codsaday si uu u soo dhiso xukuumad kale, marka la hor-keeno xukuumaddaas baarlamaanka ayaana lasoo xiri doonaan kalfadhigaan,” ayuu yiri Jawaari oo la hadlayay xildhibaannada.

Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa Khamiistii diiday codsi ka yimid ra’iisul wasaaraha oo ahaa in 22-ka bishan uu keenayo xukuumadii uu kala diray si codka kal-soonida ah loogu qaado, taasoo xildhibaanada ay diideen in Sabtida maanta ah laga dib mariyo, iyadoo culeyskaas uu keenay inuu RW Sharma’arke go’aan ku gaaro inuu xukuumaddii uu soo dhisay kala diro.

Si kastaba ha ahaatee, maalmihii lasoo dhaafay ayay xildhibaanno aad u fara badan waxay si weyn uga soo horjeedeen xukuumadda, iyagoo afka ku dhuftay inay ku jiraan wasiirro ka mid ah xukuumadihii hore oo ay xuseen inay caqabad ku noqon karaan xukuumadda cusub.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa fasax gala sannadkiiba laba jeer, iyadoo ay xildhibaannadu dib ugu laabtaan deegaannadooda inta fasaxa lagu jiro, si ay u soo indho-indheeyaan xaaladaha dadka deegaannadaas ku nool.

SomaliSwiss     Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: