Advertisements

Ciidamada Sierra Leone oo gabi ahaan isaga baxay Soomaaliya.

Ciidamada AmisomCiidamadii ka socday dalka Sieraleone ee qeybta ka ahaa howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa maanta gabi ahaanba isaga baxay Soomaaliya, iyadoo ciidamadani ay dib ugu laabteen wadankooda.

Ciidamada Amisom.jpg1Ururka Midowga Afrika ayaa dhawaan shaaciyay in ciidamada Sieraleone ay dib ugu laaban doonaan dalkooda, iyadoo arintaasi sabab looga dhigay ciidamadii ku sugnaa Soomaaliya oo waayay badal, maadaama dalka Sieraleone uu kamid yahay dalalka Afrika ee uu sameeyay cudurka dilaaga ah ee EBOLA.

Ciidamadan oo ay tiradoodu gaareeysay 900 oo askari islamarkaana intooda badan ku sugnaa gobolka J/hoose ayaa maanta waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ka daadgureeyay diyaarado ay leeyihiin Qaramada Midoobay.

Ciidamada Amisom.jpg2Wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Jubbaland Mudane Max’ed Warsame Faarax Darwiish oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka yaa sheegay in ciidamada Sieralone ay gabi ahaanba isaga baxeen Soomaaliya, isagoo sheegay in lagu soo bedeli doono ciidamo ka iman doona dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Mas’uulkan ayaa sheegay in dalka Kenya ay ka iman doonaan 450 askari halka Itoobiyana ay ka iman doonaan 450 – kale, kuwaasoo badali doona ciidamada maanta isaga baxay dalka ee ka socday Sieraleone.

Ciidamada ka socday dalka Sieraleone ee qeybta ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa yimid dalka dabayaaqadii bishii Abriil ee sanadda 2013, iyadoo ciidamadaasi ay ku kala sugnaayeen degmada Kismaayo iyo weliba deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolka J/hoose.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: