Advertisements

Ciidamada Nabad sugidda Qaranka oo gacanta ku dhigeen gaari ku rarnaa xamuul ah iyo hub farabadan.

nabasugiddaHay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa maanta soo bandhigtay hub iyo gaari oo ay lahaayen maleeshiyada Al-Shabaab.
Howlgal ay sameeyeen ciidamada Hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, oo ay ku soo qabteen hub iyo gaari nuuca xamuulka qaada ayaa maanta lagu soo bandhigay gudaha suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

 Gaarigan ayaa la sheegay inay saarnaayeen hubka, kaas oo ku wajahnaa gobolada koonfureed ee dalka, taa oo ay ka warheshay hay’adda Nabad sugidda, sidaasna lagu soo qabtay.

Sidoo kale ciidamada ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan milkiiliha gaariga iyo kuwa kale, waxaana goobta ka baxsaday wadihii gaariga oo ay ku raad joogaan hay’adaha ammaanka.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay inay la wareegtay hubka iyo gaariga xamuulka ee ay ciidamadu qabteen, waxaana saraakiishu ay tilmaameen inay sii wadayaan howlgallada lagu xoojinayo amniga caasimadda, ayna faah faahin dheeri ah ka bixin doonaan gaariga hubka lagu soo qabtay.

SomaliSwiss           Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: