Advertisements

Sii-hayihii xilka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Soomaaliya oo maanta si lama filaan ah ugu geeriyooday magaalada Muqdisho.

wasiirka kaluumeysigaSii-hayihii xilka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Soomaaliya, Maxamed Coloow Baroow ayaa si lama filaan ah ugu geeriyooday maanta magaalada Muqdisho.

Marxuum Barow ayaa wuxuu ka mid ahaa wasiirradii xukuumaddii C/weli Sheekh Axmed, isagoo muddooyinkii dambe xanuunsanaa, waxaana tacsi u diray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Geerida marxuumka ayaan la sheegin waxay ku timid, balse waxay wararku sheegayaan inay ahayd geeri deg-deg ah. Iyadoo lagu wado in isla maanta lagu aaso Muqdisho.

“Marxuumu wuxuu door-weyn kasoo qaatay dib-u-soo kabashada dalka iyo dhisitaanka dowladda Soomaaliya,” ayaa ra’iisul wasaare Sharma’arke ku yiri qoaal uu kaga hadlayay geerida Coloow.

Si kasta ha ahaatee, marxuumka ayaa ka mid ahaa wasiirradii xukuumaddii hore ee weli xilalka sii haya, waxaana geeridiisa ay timid isagoo aan xilkii uu ku magacownaa wareejin

SomaliSwiss            Muqdiasho
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: