Dhamaan Jaaliyadda Beesha Gaaljecel ee wadanka Switzerland, iyagoo isku duuban waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan Beesha Gaaljecel ee ku kala nool gudaha dalka Soomaaliya iyo wadamada dibadda, Gaar ahaan qoskii qaraabadii iyo ehelkii uu ka geeriyooday Marxuum Maxamuud Colow Barow oo maanta si lama fillaan ah ugu geeriyooday magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.
Hadaba Jaaliyadda Beesha Gaaljecel ee wadanka Switzerland iyadoo og in Geeridu ay tahay Xaq ah, waxay tiiraanyada Tacsiyada ah la wadaagayaan Ehelladiis iyoXaaskii iyo Caruurtii uu ka geeriyooday Marxuumka, waxaana leenahay: INAA LILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.
Intaas kadibna Jaaliyada waxay Alle Uga Baryayaam Marxuumka in uu Janaddii Fardowso Allaah ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagayna Samir iyo Iimaan Alle ka siiyo Aamiin Aamiin Aamiin.
SomaliSwiss     Zürich
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
INAA LILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN may God rest him in peace
LikeLiked by 1 person