Advertisements

Allaha u raxmadee wasiirkii wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Somalia oo Maanta lagu Aasay Muqdisho.

Aaska.jpg3Allaha u raxmadee wasiirkii hore wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Somalia oo saaka geeriyooday ayaa duhurnimadii maanta la aasay, iyadoo aaskiisa ay ka qaybgaleen madax dowladda ka tirsan iyo xildhibaanno.

Aaska.jpg1.jpg4Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha golaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo mas’uuliyiin kale oo uu ku jiray ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa aaska goobjoog ka ahaa.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Kalluumeysiga ayaa salaaddii Janaasadiisa waxaa ka qayb-galay madaxda dalka iyo xubno labada gole ka tirsan, waxaana xubnihii ka qayb-galay aaskiisa ay ALLE uga baryeen inuu Jannadiisa ka waraabiyo.

AaskaAaska marxuum Coloow oo ahaa mid Qaran ayaa ka dhacay qubuuro ku yaalla dugsiga tababarka booliiska Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana ka qaybgalay aaskiisa waxgarad uu ku jiray ugaaskiisa.

Marxuumka ayaa dhashay sannadkii 1960-kii, isagoo waddanka Indonisia kusoo qaatay waxbarashadiisii jaamacadeed, waxaana intii ay jirtay dowladdii KMG-ka ahayd ee Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo magacaabay danjiraha Somalia ee dalka Indonisia oo uu hayay muddo sannado ah.

Aaska.jpg2Sidoo kale, Marxuumka ayaa la sheegay inuu ifka uga tagay toddoba ilmo ah oo uu dhalay, carruurtaasoo ay u kala dhaleen haweeney Asian oo afar ilmo ah u dhashay iyo haweeney Soomaaliyeed oo saddex carruur ah u dhashay.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu u dhintay cudurka sokorta, iyadoo maalin ka hor dhiigga ka dhammaaday, laguna shubay dhiig doorraad oo Arbaco ah, balse uu saakay aroortii hore si lama filaan ah u geeriyooday.

Aaska.jpg1Aaska.jpg5SomaliSwiss         Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: