Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo dowladda Soomaaliya ugu deeqday Daawa.

CargoDowladda Soomaaliya ayaa shalay kala wareegtay boqortooyada Sacuudi Carabiya Deeq daawa ah, waxaana loogu talo galay daawadaas in lagu caawiyo dadka taagta daran ee ku dhaqan deegaannaddii dhawaan laga xoreeyay argagaxisada Al Shabaab. HOOS KA DAAWO VIDEO DEEQDA.

Daawadan oo ahayd qaybtii labaad ayaa waxaa laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyadoo ay la socdeen mas‘uuliin u dhashay boqortooyada Sacuudiga, waxaana daawadaasi oo ay la wareegtay Wasaaradda arrimaha gudaha ka hadlay xogahayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr Ismaciil Jimcaale Calasow, isagoo mahadceliyay deeqadaasi ay soo gaarsiisay Dowladda Sacuudiga.

Suleymaan bin Axmed Shareeca oo horkacayay wafdiga dowladda Sacuuudiga ay u wakiilatay deeqdaasi dawada ah ayaa la gaarsiin doonaa xaruumaha caafimaadka ee dadka loogu adeego Si wax Loogu qabto shacabka soomaaliyeed, sidoo kale suleymaan ayaa shegay in shacabka iyo dowladda Sacuudiga ay diyaar u yahiin in ay garab istaagan walaalahooda Soomaaliyeed.

Dhawaan ayay ahayd markii ay deeq daawa ah oo noocaan oo kale ah ay boqortooyada Sacuudiga ay soo gaarsiisay dalka kuwaa oo ka faa’ideystay shacabka Soomaliyeed oo dowladda Soomaaliyeed gaarsiisay.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: