Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo shaaciyey in xukuumadda cusub la horkeeni doono Baarlamaanka horraanta todobaadka soo socda.

Guddoonka Barlamaanka.jpg1Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in horraanta todobaadka soo socda xukuumadda cusub la horkeeni doono baarlamaanka si codka kalsoonida ah loogu qaado.

Kulan gudiyada joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ay Muqdisho ku yeesheen shalay ayay ku go’aamiyeen xilliga uu ra’iisul wasaaruhu horkeeni doono wasiirrada cusub ee uu magacaabay baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka, Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in guddoonka uu go’aan ku gaaray in Sabtida ee soo socota la hor-keeno golaha wasiirada xukuumadda cusub.

“Shirkii guddiga joogtada ah waxay ku go’aansadeen in Sabtida soo socota uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya hor-keeno wasiirrada cusub baarlamaanka, iyadoo lagu guda jiro dhammaadka kalfadhiga shanaad ee barlamaanka,” ayuu yiri Cawad.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka inay kulankaas ka soo qayb-galaan si codka kalsoonida ah loogu qaado xukuumadda la soo dhisay, inkastoo xildhibaannadu ay fikarado iska soo horjeeda ka qabaan wasiirrada lasoo dhisay.

Xukumadda cusub ee Somalia ayaa waxay ka kooban tahay 60 xubnood kuwaas oo isugu jira wasiirro, wasiir ku xigeenno iyo wasiir u dowlayaal, kuwaasoo ay ka dhex-muuqdaan wasiirradii xukuumaddii C/weli Sheekh Axmed.
Si kastaba ha ahaatee, lama oga go’aanka baarlamaanka, iyadoo howlgelidda xukuumadda cusub ay ku xiran tahay hadba sida ay u hesho codka kalsoonida, inkastoo xildhibaano fara badan ay ku baaqeen inaysan codka kalsoonida ah siin doonin

SomaliSwiss         Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: