Ergayga IGAD ee Soomaaliya oo sheegay in Ururku soo Dhaweeyey Xukuumadda Cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaare, Cumar C/rashiid.

igadUrur-goboleedka IGAD ayaa markii ugu horreysya soo dhaweeyay xukuumadda uu soo dhisay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid, iyagoo sheegay inay la shaqeynayaan doonaan Xukuumada cusub ee Soomaaliya.

Ergayga IGAD ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey oo wareysi siinayay VOA-da ayaa shaaciyay in ay soo dhaweynayaan xukuumadda cusub ee Soomaaliya, isla markaana uu ka rajeynayo xildhibaanada baarlamaanka inay kalsoonida siiyaan si ay shaqooyinkeeda u billowdo.

“Xukuumadda cusub ee Soomaaliya waan soo dhaweynaynaa, waana la shaqeyn doonnaa, baarlamaankana waxaan ka codsanaynaa inay ansixiyaan,” ayuu yiri danjire Afey. Isagoo intaas ku daray inay IGAD garab-istaagayso golaha wasiirrada Somalia.

Wakiilka ayaa xusay in ururkooda uu go’aansaday inay si dhow oo dhab ah ula shaqeeyaan dowladda Soomaaliya, si dalka loo gaarsiiyo horumarro dhinac walba ah, maadaama Somalia ay ka mid ahayd dalalkii IGAD wax ka aasaasay.

Hadalka danjiraha IGAD ee arrimaha Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo toddobaadkan ay wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Bariga Afrika kulankoodii ugu horreeyay ku yeesheen magaalada Muqdisho tan iyo markii uu dalku galay colaadaha sokeeye.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa isna soo dhaweeyay wasiirrada cusub ee xukuumadda Soomaaliya, isagoo xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inay codka kalsoonida ah siiyaan.

Si kastaba ha ahaatee, xildhibaanno ka tirsan baarlmaaanka ayaa si cad uga soo horjeestay xukuumadda uu soo dhisay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya , iyagoo sheegay inaysan kalsooni siinayn. Balse ra’isul wasaare Sharma’arke ayaa dhankiisa sheegay inuu la fariisan doono xildhibaannada dhalishan wasiirrada uu soo magacaabay.

SomaliSwiss          Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: