Soomaali badan oo ka rajo dhacday inuu hirgalo Mashruuca higsiga 2016ka.

Formaajo.jpg1Suurta gal ma ahan in sanadka 2016ka ay dadka Soomaaliyeed ay u dareeraan Codbixin sax ah ee ay ku soo doorayaan dadkii matali lahaa, ifafaalahan ayaa soo ifbay kadib markii la sheeciyey magacyada Wasiirada Xukuumada Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Soomaali badan oo ku kala nool gudaha iyo dibadda dalka Soomaaliyeed ayaa si kala duwan ugu faaloodeen ama ay uga hadleen Siyaasadda dahsoon ee dadka hoggaaminaya Umadda Soomaaliyeed.
Haddaba siyaasiga Soomaaliyeed Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) dhismaha Xukuumadda cusub ayaa si cad uga hadlay, wuxuu ka yiri: “Xukuumada la soo magacaabay waa kuwo aanay dadku ku Qanacsanayn“

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dhaliilay golihii wasiirrada ee habeen hore soo dhisay ra’iisul wasaare, Cumar C/rashiid, isagoo xusay inay ku jiraan wasiirrada cusub 15-wasiir oo ka mid ahaa kuwii riday labadii xukuumadeed ee hore.

Mudane Farmaajo oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa wareysi uu siiyay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ku sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay niyad-jabsan yihiin xukuumadda lasoo dhisay, isagoo Sharma’arke ku tilmamaay mas’uul khibrad leh oo horay ra’iisul wasaare uga soo noqday Soomaaliya.

“Dad badan oo filayay isbedel inuu dhici karo ayaa markii ay wasiirradan la magacaabay iyo siday wax u socdaan uu niyad-jab ku dhacay,” ayuu yiri Farmaajo oo xusay in horay uu soo dhaweeyay magacaabista RW Cumar, balse uusan ku qanac-sanayn sida uu xukuumadda u soo magcaabay.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in dangtii guud ee dalka laga hormariyay mid gaar ahaaneed, isla markaana xubnaha dib loosoo celiyay ay ahaayeen shaqsiyaad gaar ah oo madaxweynaha ku dhawaa, kuwaasoo horay ugu fashilmay xukuumadihii middan ka horreeyay, haatana dib loosoo celiyay.

“Aniga waxay iila muuqataa in dastuurka dalka meel looga dhacay lana soo magacaabay wasiirro ku dhow madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh oo ahaa kuwii fashiliyay xukuumadihii hore,” ayuu mar kale yiri Farmaajo oo ku daray intaas. “Tani waxay caddeyn u tahay inaan la rabin danta shacabka oo mid shaqsiyadeed loo ordayo.”

Xukuumadda cusub ee lasoo magacaabay ayaa waxaa horay u dhaliilay qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Somalia, iyagoo ku tilmamaay mid uu shaqsi soo magacow-day, waxayna ku goodiyeen inaysan kalsoonida siin doonin xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Sharma’arke.

Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Sharma’arke ayaa ku sheegay sababaha uu xukuumadda u soo magacabay laba arrimood oo kala ah; in howsha dowladda ay sii socoto iyadoo uusan hakad ku imaan iyo inuu uga dan leeyahay inay abuurto deggenaasho dhinaca siyaasdadda ah.

SomaliSwiss            Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: