Shirkii Qurba-joogta ee ka Socday Caasimadda dalka Rwanda ee Kigali oo Maalintii labaad galay.

Shirka Qurba joog.jpg1Waxaa maalintii labaad magaalada Kigali ee dalka Rwanda ka socda shir ay isugu yimaadeen qurba-joogta Soomaaliyeed kuwaasi oo ka kala tagay wadamo badan oo adduunka ah, waxaana looga hadlayaa kaalinta ay ka qaadan dib u heshiisiinta iyo horumarka Soomaaliya.

Shirka Qurba joogMaanta waxaa warbixin dib ugu soo celinayay madasha shirweynaha kooxo dhawr ah oo shalay shirka laga dhex xuley , kuwaasi oo moowduucyo kala duwan soo falanqeynayay, waxayna soo bandhigeen afkaarihii ay isla soo garteen.

Koox ka mid ah 8da kooxood ee shalay loo qaybiyey shirka ayaa waxay  soo falanqeysey sida ugu wanaagsan ee loo xoojin karo xafiiska qurba-joogta wasaaradda arrimaha dibada, waxayna kooxdani soo jeedisey in xafiiskani uu wakiilo ku yeesho dalacada adduunka si ay uga shaaqeeyaan arrimaha jaaliyadaha.

“xafiiskani waxa ka dhiman waa kaalintiinii, xafiiskani idinka ayuu idiin furanyahay, shirkani ayaana laga rabaa in ay kazoo baxaan waxyaabihii horey loogu socon lahaa” ayuu yiri Cabdiqaadir Kamatiireey oo ah agaasimaha xafiiska qurba-joogta ee wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya.

Waxaa kaloo lasoo jeediyey in xafiiskani la balaariyo, la kordhiyo awoodihiisa iyo sharciyaddiisa, si markaasi uu u qaban karo hawlo badan iyada oo aanan ansixin looga baahneyn xafiis kale. Waxaa la isla waafaqay in xafiiskani uusan ku koobnaanin Muqdisho oo kaliyaa, balse u talaabo meelaha ay joogaa.

Kooxaha  kale ayaa ka dooday arrimaha caafimaadka, deegaanka, waxbarashada, fursadaha ganacsiga iyo xirfadaha ay qurba-joogto ku biirin karaan Soomaaliya, waxayna dhamaan kooxaha isku raaceen in ay jirto baahi weyn, taasi oo qurba-joogta ay waxbadan ka qaban karaan, balse loo baahanyahay siyaasad iyo dariiq cad oo lagu maamulo waxtarkaasi.

Shirka waa uu sii socon doonaa, iyada oo ka qeybgalayaasha ay kormeeri doonaan meelo taariikhi ah oo la dhigey xusuustii xasuuqii Rwanda 1994 si ay indhaheeda ugu soo arkaan dhibaatada Rwanda ka dhacday iyo sida hadda looga gudbey, iyada laga qaadanayo casharo laga yaabo in xal loogu heli karo arrimaha Soomaaliya ka taagan oo siyaaabo badan ula mid ah wixii ka dhacay Rwanda.

SomaliSwiss       Kigali
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: