Magaalada Muqdisho oo lagu qabtay Shir lagu lafagurayey abaaraha Saameeyey gobollada Koonfur galabeed dalka Soomaliya.

AbaarahaShir lagu lafagurayey sidii wax looga qaban lahaa abaaraha Saameeyey gobollada Koonfur galabeed ee Soomaliyeed oo xaaladdo Bilaadinimo iyo kuwa kale ka jirto ayaa maanta lagu qabtay magaaladda Muqdisho waxaana ka soo qeybgalay Odayaal Dhaqameed , Sayaasiyiin ,Aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

Madaxdii kulankaas ka hadlay ayaa waxay ku dheeradeen xaaladda sida loo xalinkaro ,ayagoo ugu baaqay dowladda Federaalka ah Soomaaliya in arimahaasi ay gacan ka gaysti sida loo xalin sida abaaraha iyo in dib u heshiisiin loo sameeyay dadka degan deegaanadaasi oo mararka qaar ay ka dhacdo colaado ku saleysan qaab Beeleed.

Sidoo kale, qaar ka mid dadkii ka qeybaglay shirkaasi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka markii uu kulanka soo dhamaaday ayaa sheegay in wajiigii labaad ee shirkii looga hadlayay xaaladda bani’aadinmo ee ka taagan gobaladaasi in si dag dag ugu furmaayo.

SomaliSwiss           Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: