Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD oo Saakay barqadii si rasmi ah uga furmay Hotelka SYL ee Muqdisho.

IGAD Muqdisho.jpg3Waxaa Saakay barqadii si rasmi ah uga furmay Hotelka SYL Shirkii Urur Goboleedka IGAD, halkaas kaas oo ay wada Fadhiyaan Wasiirada Arimaha Dibada Dowladaha Xubnaha ka ah Ururka IGAD, waxaana kulankan diirada lagu saarayaa Xaalada Dalka Somalia iyo wax yaabihii u qabsoomay Dowladda Federaalka ah Mudadii ay jirtay. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA SHIRKA.

IGAD Muqdisho.jpg5Warbaahinta ku sugan Xarunta Shirku ka Furmay ayaa soo sheegaya in Shirka uu si Rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah Ee Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud. Galinka Dambe Ee Maanta ayaana laguw adaa in la soo xiro Shirkaan isla markaana laga soo saaro Qodobo wax ku ool ah oo Jamhuuriyada Somalia iyo Dalalka IGAD ku jira Dantoodu ku jirto.

Madaxweynaha ayaa beesha caalamka gaar ahaan dowladaha Urur Goboleedka IGAD uga mahadceliya sida ay u garab istaageen Soomaaliya, isagoo xusay in nabadgelyada Soomaaliya ay xilligan tahay mid la isku haleyn karo, taasi oo suurte gelisay marigelinta shirka.

IGAD Muqdisho.jpg4Madaxweyne Xasan oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Tani waxa ay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay ku talaabsatay Nabad iyo horumar, waa guul taariikhi sidoo kale tani waxaa suurta geliyay markii ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM ay ku guuleysteen in meelo badan oo dalka ka mid ah ay ka saareen maleeshiyaadka Al-Shabaab”.

Dowladda Somalia ayaa soo dhaweysay in Wasiirada Arimaha Dibada IGAD ay Shirkooda ku qabsadaan Dalka Somalia isla markaa Dowladda ay ku dadaali doonto in Madaxweynayaasha IGAD ay ku qabsadaan Shirkooda Magaalada Muqdisho oo hadda Cagta Saartay Wadada Nabada iyo hormarka .

IGAD Muqdisho.jpg6Sidoo kale Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Maxbuub Macalin oo isna kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in dowladaha IGAD ay sii wadi doonaan taageerad ay siinayaan Soomaaliya, isagoo xusay in tani ay fursad u tahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Ethiopia Dr Tedros Adhanom oo shirka ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in ajandeyaasha ugu muhiisan ee shirka looga hadlayo ay ka midyihiin horumarka ay dowladdu ku talaabsatay, hirgelinta hiigsiga cusub ee sanadka 2016-ka iyo dar dargelinta howlaha amniga.
Dhanka kale, markii uu dhamaaday Wajiga koowaad ee shirka Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa kadib ay u guda galeen shir Albaabadu u xiran yihiin oo saxaafaddu ay dibad joog ka tahay.

Shirkan ayaa ah kii 53aad ee Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa in si rasmi ah gelinka dambe ee maanta la soo gabo gabeeyo, isla markaana laga soo saaro qodobo wax ku ool ah, iyadoo uu shirkan noqonayo muddo 29 sanno kaddib in shir ceynkan oo kale lagu qabto caasimadda Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee, waxaa lagu wadaa in shirka laga soo saaro galabta war-murtiyeed,  kaas oo ku aaddan waxyaabihii ay xubnaha shiraya isku afgarteen.

IGAD Muqdisho.jpg7SomaliSwiss          Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: