Rag hubeysan oo 12 ruux oo isugu jira Askar & Wariyeyaal ku laayay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Charlie Hebdo attackRag iyagu wajiyada soo xirtay oo ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca ayaa dilay ugu yaraan 12 qof markii ay weerareen xarunta Wargays lagu magacaabo Charlie Hebdo (magazine) oo laga leeyahay Faransiiska.

Sidoo kale waxaa lagu waramayaa in dadkaloo badan ay dhaawacyo culculus soo gaareen.

Wargayskan oo xaruntiisu ku taallo magaalada Paris ayaa koox lagu sheegay in ay lug kuleeyahay kooxda ISIS ayaa iyagu gudaha u galay xarunta wargeyskan, isla markaana laayay 8 kamid ah wariyayaashii halkaasi kahowl gali jiray oo ay kamid ahaayeen afar wariye oo iyagu sameeyay sawir gacmeedyada.

Raggan hubeysnaa ayaa galay dhismaha, waxaana ay bilaabeen in ay toogtaan dadka iyagoo isticmaalaya qoryaha fudud ee darandooriga u dhaca.

Ragga weerarka soo qaaday ayaa kadibna baabuur ku baxsaday.

Wargeyskan lagu magacaabo Charlie Hebdo ayaa lasheegay in uu horey udaabacay sawir gacmeedyo ay ku sheegeen Nabi Muhammad CSW.

Howlgal ballaaran oo ay wadaan booliiska dalkaasi ayaa hadda socda oo la raadinaya kuwa weerarka qaaday.

Caasimadda Faransiiska, ayaa dhacdadan awgeed ciidamada  heegan aad u sarreeya loo galiyay.

%d bloggers like this: