Magaalada Baardheere ee G/Gedo oo shalay Al-shabaab ku toogatay afar qof oo lagu eedeeyay basaasnimo.

baardheere-bartamahaMagaalada Baardheere ee G/Gedo ayaa shalay Al-shabaab ku toogatay afar qof oo lagu eedeeyay inay ahaayeen basaasiin la shaqeya Mareykanka, Itoobiya iyo dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana lagu toogtay meel fagaare ah.

Garsooraha maxkamadda oo xukunka ridday ayaa ka hadlay inta aan dilku lagu fulin, wuxuuna sheegay in afartan qof oo dhammaantood ah dadka lagu soo eedeeyay inay ahaayeen basaasiin la shaqeeya sirdoon kala duwan, isagoo sheegay in maxkamaddu ay ku xukuntay dil toogasho, kaddib markii ay dhageysatay dacwooyinkii lagu soo oogay.

Garsooraha Al-shabaab oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Eedeysanaha koowaad waxaa lagu magacaabaa, Cumar Maxamed Khayr oo 29-jir ah, wuxuuna qirtay inuu la shaqeynayay yahay sirdoonka uuna qayb ka ahaa rag loo xil-saaray raadinta saraakiisha sare ee Al-shabaab, markii ay maxkamaddu wax weydiisay arrinta lagu soo eedeeyayna wuu qirtay”.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Cumar uu maxkamadda ka sheegay in hal-milyan oo doollar la siinayo haddii lagu guuleysto dilka saraakiisha saree e Al-shabaab, uuna shaqadan u qoray xildhibaan ka tirsan baarlmaaanka oo lagu magacaabo C/llaahi Leesto.

“Eedeysanaha labaad waxaa lagu magacaabaa; C/weli Muxumad Siraad oo 40-jir, waxaana lagu soo eedeeyay inuu ka tirsnaaa CIA-da Mareykanka kana howlgalayay degmada Baraawe, maxkamaduna waxay ku xukuntay dil toogasho,” ayuu mar kale yiri garsooraha.

Dhanka kale, Garsooraha Al-shabaab oo sii hadlayay ayaa sheegay in Nuur Sheekh Rashiid Xaaji Xirsi oo 46-jir ahaana eedeysanaha saddexaad uu qirtay inuu sirdoon u ahaa dowladda Itoobiya, uuna dad badan u gacan-geliyay, sidaas awgeedna ay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho.

Ugu dambeyn, garsooraha ayaa sheegay in C/fataax Cismaan Cabdulle oo 21-jir ahaa, uu qirtay inuu ka tirsanaa sirdoonka dowladda Somalia, uuna shaqada u qoray xildhibaan lagu magacaabo, Cabdi Macallin Aadan. Isna ay ku xukumeen toogasho.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto wax codadka afartan qof ee la toogtay ah oo ay Al-shabaab sii daysay, waxaana dilkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay sannadkan ku fuliso dad ay ku eedeysay inay basaasiin yihiin.

SomaliSwiss       Baardheere
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: