Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Muqdisho kula kulmay Guddoomiyaha Guddiga amniga iyo nabadgalyada Midowga Afrika.

Madaxweyne xasan-sheekh.jpg18Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa maanta Muqdisho kula kulmay guddoomiyaha guddiga amniga iyo nabadgalyada Midowga Afrika, Ismail Chergui oo ay wehliyeen wakiilka AU-da ee arrimaha Somalia, danijre Maman S. Sidikou, Dr. El Ghasseim Wane, Jen. Jonathan Rono oo ah ku simaha taliyaha ciidamada lugta ee AMISOM iyo xubno kale oo Midowga Afrika ka tirsan.

Sidoo kale Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiisha ciidamada milteriga Somalia, waxaana looga hadlay dagaallada lagula jiro Al-shabaab iyo sidii loo adkeyn lahaa xiriirka dowladda federaalka iyo Midowga Afrika u dhexeeya.

Mudane Xasan Sheekh ayaa ugu horreyn uga tacsiyeeyay mas’uuliyiinta Midowga Afrika ka socday askartii looga dilay weerarkii 25-kii bishii December ee sanadkii hore ay Al-shabaab ku qaaday xarunta AMISOM ee Muqdisho, isagoo sidoo kalena howlgalka wadajirka ah ee ay ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM kula dagaalamayaan Al-shabaab, wuxuuna xusay inay dowladdu dadaallo dheeraad ah ku bixin doonto sidii howlgalkaas uu dhaqso u noqon lahaa mid miro-dhal ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulanka ka hadlay“Waxaan ku faraxsanahay guulaha ay ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM ka gaareen wajigii labaad ee howlgalka Badweynta Hindiya, kuwaasoo dhul ballaaran looga qabsaday Al-shabaab,” ayuu yiri.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan ayaa hadalkiisa ku sheegay in howlgalka wadajirka ah ee Somalia iyo Midowga Afrika ama ciidanka Somalia iyo kuwa AMISOM guulo waaweyn laga gaaray, balse uu rajeynayo in guulo intaas ka badan ay ka gaaraan.

“Waxaan dalbanaynaa in nagala taageero dhismaha ciidamada xoogga taasoo muhiim u ah in muddo dheer kaddib Somalia nabad lagu soo dabaalo, sidoo kalena la xoojiyo iskaashiga ciidamada Somalia iyo kuwa ka scoda Midowga Afrika,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Ismail Chergui ayaa uga mahadceliyay madaxwehyne Xasan soo dhaweynta uu u sameeyay, isagoo intaas ku daray in booqashada uu ku yimid Soomaaliya ay tahay tii ugu horreysay, uuna marar kale oo badan ku imaan doono Soomaaliya booqashooyin.

Ugu dambeyn, wuxuu xusay in ururka Midowga Afrika uu si weyn ugu diyaarsan yahay in uu gacan ka geysto dhismaha ciidamada qalabka sida ee Somalia, si loo xaqiijiyo amniga, nabadgalyada iyo horumarka Soomaaliya. Wuxuuna ka dalbaday dowladda Somalia inay sii wadaan inay ka gacan-siiso sidii ay ciidanka AMISOM howlahooda u gudan lahaayeen.

SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: