Macallin ka tirsan Jaamacadda SIMAD oo maanta barqadnimadii lagu qarxiyey gaarigiisa….

Qarax.jpg10Barqonimadii maanta ayaa waxaa gaari uu watay mid ka mid ah macallimiinta Jaamacadda SIMAD uu kula qarxay xaafadda Taleex ee degmada Hodan, iyadoo la sheegay in qaraxa uu ahaa mid gaariga lagu soo xiray.

Gaariga oo ahaa kuwa raaxada ayaa qaybta hore oo dhan ka qarxay, iyadoo la sheegayo in macallinkan oo lagu magacaabo, Cabdulxaliim Axmed Nuur kasoo gaaray qaraxa dhaawac culus.

Dhaawaca soo gaaray macallinkan ayaa waxaa u xaqiijiyay warbaahinta qaar ka mid ah macallimiinta jaamacadda SIMAD, iyadoo uu noqonayo macallinkii labaad oo ka tirsan Jaamacaddan oo lagu weeraro Muqdisho.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in macallinkan uu qaraxa ku waayay mid ka mid ah labadiisa lugood, iyadoo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan lagu dhaawacay macallinka ka tirsan Simad.
Kooxo hubeysan ayaa bishii lasoo dhaafay Muqdisho ku dilay gudoomiye ku xigeenkii Jaamacadda Simad, kaddib markii ay ku weerareen gaarigiisa xilli uu marayay isgoyska KPP ee degmada Hodan.

Si kasta ha ahaatee, lama oga sababta keenay in Mas’uuliyiinta & Macalimiinta Jaamacada Simad lala eegto qaraxyo iyo dilal toos ah, iyadoo la xusuusto in Jaamacaddan uu horay mas’uuliyiinteeda uga mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

SomaliSwiss          Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: