Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlayay khilaafaadka mar walba soo dhex-gala madaxda Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo jeedin lahaa in wax laga bedelo meelaha uu ka qaldan yahay dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, si khilaafyada meesha looga saaro.
Mudane Geelle oo wareysi siinayay VOA-da ayaa kaga hadlay xaalada Soomaaliya iyo heshiiskii ay dowladdiisu la gashay isbahaysiga mucaaradka ee USN, isagoo hoosta ka xariiqay in heshiiska dowladda Jabuuti iyo mucaaradka uu yahay mid meesha ka saaraya xiisado labadii sano ee lasoo dhaafay taagnaa.
Xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya oo uu ka hadlay ayuu sheegay inay ula muuqato in dastuurka Soomaaliya ay wax ka qaldan yihiin, isla markaana ay muhiim tahay in la garto in dastuurka wax laga bedelo, si meelaha ay kala-aragti duwanaantu ka imaanayso loo saxo.
ā€Inay wax ka qaldan yihiin dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ayay aniga iila muuqataa… marka in loo fariisto oo waqti badan la geliyo sidii loo sixi lahaa ayaan ku talinayaa… waayo khilaafyada siyaasadeed waxay noqdeen kuwo marar badan soo laalaabtay… kuwaasoo xididdada u siibay sumcaddii iyo weliba geeddii socodkii nabadeed ee dalka,” ayuu yiri Geelle.
Sidoo kale, Jabuuti ayaa xusay in dastuurka uu u baahan yahay in gadaal loo eego oo wax laga bedelo khaladaadka jira ee madaxda dalka iska horkeena, taasoo uu xusay inay muskhilad ku tahay horu-socodka dalka.
Mar la weydiiyayay xil ka qaadista ku aaddan afhayeenkii AMISOM Col. Cali Aadan Xumad oo dalka Jabuuti kasoo jeeda ayuu ku jawaabay. ā€Afhayeenka xilligii ayaa ka dhammaaday, isla markaana afhayeen ka socda Kenya ayaa loo magacaabi doonaa xilkaas.” Isagoo xusay in dalalka dhammaan dalalka ku deeqay ciidamada AMISOM ay xilal waaweyn ku leeyihiin howlgalka.
Madaxweyne Geelle ayaa waxaa kaloo la weydiiyay weerarrada ay Al-shabaab ka geysanayso gudaha Soomaaliya iyo dalalka dariska ah oo ay ciidamo ka joogaan gudaha dalka, ayuu ku jawaabay in Al-shabaab looga adkaatay dagaalkii fool-ka-foolka ahaa, dhul badanna laga qabsaday, awooddooduna ay noqontay inay qaraxyo sameeyaan oo keliya.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale, xusay inuu qabo fikir ah in kharashaadka badan ee lagu bixinayo ciidamada AMISOM lagu bixiyo sidii loo dhisi lahaa kuwa Soomaaliya, si ay dalka ammaankiisa dib ugu hantaan.
SomaliSwissĀ Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Jabuuti
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.