Dalka Jarmalka oo maanta ka billowday Bannaanbaxyo looga soo horjeedo dadka soo-galootiga ah iyo diinta Islaamka.

Demo.jpg1Wararka ka imaanaya dalka Jarmalka ayaa sheegaya in maanta ka billowday Bannaanbaxyo looga soo horjeedo dadka soo-galootiga ah iyo diinta Islaamka, kuwaasoo ka dhacaya magaalooyinka waaweyn ee dalka Jarmalka.

DemoBannaan-baxyadan ayaa ka bilaabmay magaalada Dresden, waxaana soo qaban qaabiyay urur cunsuri ah oo la magac-baxay Pegida, kaasoo dadweynaha Jarmalka ugu baaqayay inay ka qayb-qaataan mudaharaadyada looga soo horjeedo Islaamka iyo dadka magan-galyo doonka ah ee dalkaas soo gala.

Balse, waxaa hadda billowday bannaan-baxyo kale oo iyaguna looga soo horjeedo kooxdan lagu tilmaamay cunsuriyiinta iyo mudaharaadyadooda; kuwaasoo iyagana lagu tageerayo is-dhexgalka shacabka Jarmalka iyo in magan-galyo la siiyo muslimiinta, qaxootiga ah iyo dadka soo-galootiga ah.

Sidoo kale, Magaalada Cologne oo ah midda afaraad ee dalka Jarmalka ugu weyn ayaa waxaa xalay ka dhacay dibadbax lagu taageerayo dadka muslimiinta ah iyo kuwa soo-galootiga ah, iyadoo shacabka ku nool magaaladaas ay si weyn u cambaareeyeen dhaq-dhaqaaqa ay wadaan dadka la baxay [Pegida] oo ay ku sheegeen kooxo cunsuriyiin ah oo doonaya inay iska hor-keenaan dadka dalka Jarmalka ku nool.

Dhanka kale, dibadbax kale oo lagu taageerayo muslimiinta ayaa la sheegay inay ka samaynayaan dad aad u badan, waxayna dadka kasoo horjeeda cunsuriyiinta ay iyaguna la magaca baxeen KOGIDA.

Haweeneyda Ra’iisul wasaaraha ka ah dalka Jarmalka, Angela Marcel ayaa ugu dambeyn, ku tilmaamtay kooxda Pagida ee cunsuriyiinta ah kuwo dadaal ugu jira sidii ay isaga horkeeni lahaayeen shacabka Jarmalka isla markaana ay uga abuuri lahaayeen dalkaas qalqal dhinaca amniga ah.

Ha yeeshee, Ra’iisul wasaare Marcel ayaa sheegtay in shacabka Jarmalka aysan taageeri doori doonin weligood koox cunsuriyiin ah oo doonaya inay fowdo ka abuuraan dalkooda.

SomaliSwiss Ā  Ā  Ā  Ā  Barlin
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: