Siihayaha Wasiirka Caafimaadka oo caddeeyey in Jaamacadda SIU ay qaaday tallaabo aad u muhiim ah oo hurumar leh.

Wasiirka CaafimaadkaSiihayaha Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Xareed) ayaa waxa uu maanta kormeer howleed ku tegay Jaamacadda SIU oo maanta Kun iyo todobo boqol arday oo ka mid ah ardayda dhigata kuliyadaha kala duwan oo u fadhiisatay Imtixaanka sanadlaha ah ee 2014-2015,wuxuuna mid mid u booqday fasalada ay ardaydu Imtixaanka loogu qaadayey.

Wasiirka Caafimaadka.jpg2Mudane Cali Maxamed Maxamuud ayaa u jeedada kormeerkiisu ahayd sidii uu ugu kuurgeli lahaa ardayda barata kuliyadda Caafimaadka, agabyada ay ku bartaan tayadooda iyo qeybaha cusub ee Jaamacadda lagu soo kordhiyay, isla markaana uu u dhiri gelin lahaa ardayda dhigatay Jaamacadda SIU tayayooda waxbarasho.

Siihayuhu wuxuu mid mid u kormeeray qeybaha ay ku jiraan qalabka ay ardaydu ku bartaan caafimaadka sida meelaha ay yaalaan Meydadku ay ku sameeyaan qeybaha kala duwan ee qaliinka si ay sare ugu qaadaan aqoontooda dhaqtarnimada, isagoo warbixin kooban ka dhageystay maamulada goobaha uu kormeeray.
Jaamacadda SIUProf. Yaxye Cali Ibraahim oo ah Hormuudka Jaamacadda SIU ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashada Wasiirka, isla markaana ardayda ay u tahay mid dheeri gelin ah, isagoo ardayda u rajeeyay inay imtixaanka ku guuleystaan.

Hormuudka Jaamacadda SIU oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Sharaf weyn ayay u tahay Jaamacadda SIU in maanta uu soo booqdo Wasiirka Caafimaadka, runtii waxa uu indhahiisa ku arkay qaabka aan ardayda Imtixaanka uga qaadno, agabyada aan wax ku barno, dhiri gelin bay noo tahay, waxay kaloo dhiiri gelineysaa ardayda dhigata Jaamacadda”.

Siihayaha Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Xareed) ayaa sheegay in maamulka Jaamacaddu ay ku guulesyteen sidii ardayda dhigata kuliyadda caafimaadka ay qalab casri ah oo dhanka caafimaadka u heli lahaayeen, isagoo ardayda u rajeeyay in ay ku guuleystaan waxbarashadooda ayna ka gaaraan heer wanaagsan, si ay u noqdaan dhaqaatiir wax gal leh oo bulshadooda u adeegta.

Mudane Cali Maxamed Maxamuud oo ka hadlayey booqashadiisa Jaamacaddan wuxuu Yiri: (“Farxad ayay ii tahay in aan maanta booqasho ku imaado Jaamacadda SIU, runtii waxaan arkay qolalka ay ku jiraan meydadka ee ay ardayda qaliinada ku baranayaan, tani waxa aan dhihi karaa waa tallaabo horumar leh oo ay gaareen Maamulka sare ee Jaamacadda SIU, ma moodeen in Jaamacad sidaan oo kale in ay Xamar ku taallo, way i farxad gelisay runtii”.

Wasiirka Caafimaadka.jpg1Sida Runta aha Jaamacadda SIU oo ka mid ah Jaamacadaha ku yaala Muqdisho ayaa waxay noqotay Jaamacaddii ugu horeysay ee ardayda dhigata Kuliyadda Caafimaadka u keenta meydad ay ku sameyaan qaliinada, isla markaasna arday u dirtay Jaamacadda Mekerere ee dalka Uganda si ay hal semester halkaasi ugu soo qaataan tababar dheeri ah.

SomaliSwiss           Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: