Ergayga Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay saldhigga ugu weyn ee AMISOM ee Xalane.

Maman S. SidikouDanjire Maman S. Sidikou oo shir jaraa’id ku qabtay saldhigga ugu weyn ee AMISOM ee Xalane ayaa waxa uu uga hadlay qorshyaasha howlgalka AMISOM iyo guulaha nabad ilaalinta laga gaaray sanadkii la soo dhaafay ee 2014.
Ergayga Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Danjire Sidikou ayaa sheegay in AMISOM ay qorsheyneyso dhameystirka howlgalka lagu xoreynayo guud ahaan Soomaaliya iyo tallaabo milateri u adeegsan doonaan gelbinta gargaarka bena’aadanimo ee Al-Shabaab hor istaagtay in uu gaaro dadka u baahan ee kooxdo go’doomisay, waxa uuna beesha caalamka ugu baaqay in dadka go’doominta laga qaaday la gaarsiiyo gar gaar deg deg ah oo aan dib dhicin.

Sidoo kale, Wakiilka gaarka ee Midowga Africa ee Soomaaliya aya tilmaamay in howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya uu siiwadi doono taageerada Soomaaliya iyo xoojinta ciidamada xoogga dalka si ay u qaataan mas’uuliyidooda xilliga loo baahdo in guud ahaan amaanka dalka ay la wareegaan.

Ergayga gaar ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya wuxuu sheegay in howlgalkii gallareyr lagu xoreeyay ilaa 10 magaalo iyada oo kii Badweynta India Al-Shabaab looga saaray ilaa 8 magaalo oo ay ku jirto magaalada Baraawe, Saldhigii ugu weynaa ee Al-Shabaab ay ka soo abaabuli jirtay weeraradooda.

Danjire Maman S. Sidikou waxa uu sheegay in ciidamada Booliska AMISOM, Booliska Soomaaliya iyo ciidanka nabad gelyada ay keentay in dhaq dhaqaaq ganacsi oo xoog leh oo ay ka mid yihiin dhismayaasha casri ah, bankiyo Ganacsi oo heer caalami ah in ay magalada ka furmaan, iyada oo ay sii dheertahay in carruur badan ay goobaha waxbrashada ka qeyb galaan.

Ugu dambeyntii Danjiraha Midowga Africa ayaa sheegay in Midowga Africa ay rejenayaan in dowladda Soomaaliya ay horumar ka gaarto dhinaca siyaasadda dalka iyo in hiigsiga 2016-ka oo ay meel mariso, waxa uuna Baarlamaanka ka rejeyay meel marinta sharciyada aas aasiga ah u ah hiigsiga 2016-ka.

SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: