Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Sacuudiga.

Jawaari wafdi SacuudiGuddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda boqortooyada Sacuudiga.
Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulanka uu maanta la qaatay wafdiga ka socda Boqortooyada Sacuudiga oo uu hogaaminayay safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya waxa ay kaga wada hadleen xoojinta iyo sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen baarlamaannada Soomaaliya iyo boqortooyada Sacuudiga.

Jawaari wafdi Sacuudi.jpg1

Guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdiga boqortooyada Sacuudiga waxa ay isla meel dhigeen arrimo badan oo ay ugu horeyso iskaashi iyo wada shqeyn dhexmarta labada baarlamaan.

Dhanka kale Guddiyada joogtada ee baarlamaanka qaarkood ayaa maanta kulan howleed ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho oo ay ku yaalaan xafiisyada Guddoonka iyo guddiyada joogtada ee baarlamaanka.

Kulan howleedyadaasi ay yeesheen guddiyada joogtada ah ayaa qeyb ka ah dar dargelinta howlaha baarlamaanka iyo fududeynta sharciyada lagama maar maanka u ah hiigsiga sanadka 2016-ka.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa Warbaahinta Qaranka uga waramaay kulan howleedyada ay Gudiyda joogtada maanta ku yeesheen Muqdisho, isagoo tilmaamay in tani ay qeyb ka tahay istaraatiijiyada uu guddoonka u sameeyay Guddiyada joogtada inay labo laabaan shaqooyinkooda inta lagu gudo jiro kalfadhiga Shanaad oo maraya heer gabo gabo ah.

15ka guddiyada joogto ah ee baarlamaanka iyo labo guddiyo kumeel gaar ah ayaa kulamada ay yeelanayaan waxa ay lagama maar u tahay habsami u socodka howlaha horyaala baarlamaanka.

SomaliSwiss          Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: