Dowladda Jabuuti iyo Mucaaradkeeda oo muujiyeen biseyl siyaasadeed, waxayna gaareen heshiis ku saleysan sidii awoodda dalka loo wadaagi lahaa.

Jabuuti heshiisDowladda Jabuuti iyo Isbahaysiga kasoo horjeeda ee USN ayaa heshiis ku gaaray magaalada Jabuuti ee xarunta dalkaas, kaddib muran ka dhex-dhashay oo ka dhashay muranka doorashadii baarlamaaniga ee ka dhacday dalkaas bishii Feberaayo ee sannadkii 2013-ka.

Mucaaradka ayaa xilligaas xukuumadda ku eedeeyay inay doorashada u maamushay si qaldan, iyagoo dacwad arrintaas ku saabsan u gudbiyay maxkamadda, inkastoo lagu diiday dacwaddooda.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tan iyo sanadkii 1999-kii ka ahaa madaxweyne dalka Jabuuti, iyadoo xubnaha baarlamaanka oo ka kooban 65-xubnood ay 55 ka mid ah ka yimaadeen dhinaca xukuumadda.

Bishii Feberaayo 2013-kii ayaa ahayd markii ugu horreysay oo mucaaradka dalka Jabuuti ay xubno ku yeeshaan baarlamaanka dalkaas tan iyo sanadkii 1992-kii oo ahayd markii laga mamnuucay inay baarlamaanka xildhibaanno ku yeeshaan.

Afhayeenka mucaaradka Jabuuti, Daahir Axmed Faarax (Deef) ayaa dhinaca mucaaradka u saxiixay heshiiska, isagoo sheegay in heshiiskan uu ku yimid wadahadallo 18-bilood u socday labada dhinac.

“Xukuumada iyo mucaaradka Jabuuti waxay muujiyeen biseyl siyaasadeed, iyagoo gaaray heshiis ku saleysan sidii awoodda dalka loo wadaagi lahaa,” ayuu yiri afhayeenka kooxaha mucaaradka ah ee dalka Jabuuti.

Doorashadii dhacday sanadkii 2013-kii ee lagu soo xulanayay xildhibaanada baarlamaanka Jabuuti ayay mucaaradku ku eedeeyeen xisbiga Ismaaciil C. Geelle inuu si musuqmaasuq ah u urursaday kuraasta baarlamaanka, taasoo keentay inay ku gacan-sayraan xubnihii ay baarlamaanka ka heleen.

“Hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo xukuumaddu waxay gaareen heshiis ay xiisadda siyaasadeed ee dalka ku dajinayaan. Waana tallaabo guul ah oo ay labada dhinac ku muujiyeen biseyl siyaasadeed,” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf oo ah wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.

Mucaradka Jabuuti ayaa qaadacay doorashadii sannadkii 2008 mar kale loo doortay madaxweynaha Jabuuti xilka madaxnimo ee dalkaas, iyagoo xusay in doorashadu ay ahayd mid aan ku dhicin si cadaalad ah.
Si kastaba ha ahaatee, lama oga sida ay xukuumadda iyo isbahaysiga mucaaradka ah USN ee dalka Jabuuti ay u wadaagi doonaan maamulka dalkaas, iyadoo kooxaha mucaaradka ay doonayaan inay awoodoodu ka dhex muuqato xukuumadda.

SomaliSwiss           Jabuuti
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: