Sawirka rasmiga ah ee Golaha Talada Xukuumadda Federaalka Switzerland.

Sawirka BundesratGolaha rasmiga ah ee Talada Xukuumadda Federaalka Switzerland oo si wadajir ah u kulmay, una fadhiistay miiska talada, Sawir xauus ahna ee sanadka cusub 2015ka isaga qaaday, tani waxaa jeclaystayMadaxweynaha Konfederaalka Switzerland Marwa Simonetta Sommaruga.

Waxaa qolka Kulanka diyaar ku ahaa Sawir qaadayaasha Christian Grund iyo Maurice Haas, si ay u qaadan Sawirro lagu xusuusto Xukuumada daadihin doonta Sannadka cusub ee 2015ka.

Sawirka BundesratUjeedada Kulanka ayaa salka ku haysaa in dib loo eego hadafka barnaamijka horumarinta ee dalka Swisska; kulankan ayaa waxaa fadhiya Madaxweynaha Konfederaalka Switzerland Marwa Simonetta Sommaruga oo ka tirsan Xisbiga Socialistaha (SP), ku-xigeenka Madaxweynaha Konfederaalka Johann Schneider-Ammann oo ka tirsan Xisbiga Liberaalka (PLR), Didier Burkhalter oo ka tirsan Xisbiga Liberaalka (PLR), Eveline Widmer-Schlumpf oo ka tirsan Xisbiga (PBD), Doris Leuthard oo ka tirsan Xisbiga (PPD), Ueli Maurer oo ka tirsan Xisbiga (UDC), Alain Berset oo ka tirsan Xisbiga (PS). iyo Corina Casanova oo Diwaan-hayaha Qaranka Swisska.

Sida la sheegay Sarirkan ayaa laga sameeyey 60.000kun Kobi si loo awoodo in si bilaash ah loogu qaybiyo Xarumaha dowladda Federaalka iyo Goloyaasha Qaranka Switzerland.

SomaliSwiss           Zürich
Qore : Dr. Dhicisow
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: