Munaasabad lagu soo dhaweynayay sanadka cusub 2015ka oo xalay lagu qabtay Magaala Madaxyada Caalamka.

Sanadka cusubMunaasabad lagu maamuusayay soo dhaweynta sanadka cusub ee 2015ka ayaa xalay lagu qabtay Magaala Madaxyada Caalamka.

Sanadka cusub.jpg1Munaasabadda Sanadkan ayaa la sheegay inaysan la mid ahayn kuwii horay ugu dhacayey Caalamka, balse meelihii si aadka ah loogu damaashaadaya ayaa waxaa ka mid ahaa magaalooyin waaweyn ee dalka Taliyaaniga Sida Roma. Milano, Torino, Napoli iyo kuwo kaleba.

Haddaba magaalada Napoli ayaa la sheegay in 48 qof ay dhaawacyo ka soo gaareen Baaruudi la qarxinayey, kuwaas oo la dhigay Isbitaallada Magaaladaas.

Waxaa sidaas si la mid Sanadka cusub loogu loogu dabaaldegay Magaalooyinka Sidnay, Toronto, New York, Washinton, Qaahira,Bern, Zürich, ha yeeshee waxaa la sheegay in Xafladahaas ay ku dhamaadeen farxad iyo reynreyn.
Sidoo kale qaar ka gobollada iyo degmooyinka dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay xaflado lagu maamusayey Munaasabadda Sanadka Cusub,

Waxaa kaloo na soo gaaray in Gobolka Banaadir xalay lagu qabtay munaasabadda Sanadka cusub ee 2015ka, Maamulka degmada Yaaqshiid ayaa soo qaban qaabiyeen Xafladdaas, waxaa ka qeybgalay xildhibaano, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Cismaan Cadaawe ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay isku xirka iyo isdhexgalka bulshada, wuxuuna rajeeyay in sanadkan cusub uu noqdo mid ummadda Soomaaliyeed u horseedo nabad iyo baraare.

Gen. Madaale oo ah taliyaha qetybta gobolka Banaadir oo halkaasi ka hadlay ayaa maamulka degmada Yaaqshiid ugu hambalyeeyay wax qabadkiisa, wuxuuna ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed iney ciidamada kala shaqeeyaan sugidda amniga dalka.

Munaasabada ayaa lagu soo bandhigay sugaan kala duwan oo lagu soo dhaweynayay sanadka cusub ee 2015-ka, waxeyna munaasabaddu kusoo gebageboowday jawi wanaagsan.

Sanadka cusub.jpg2SomaliSwiss         Zürich
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: