Baarlamaanka oo ogolaaday codsigii dheeriga ahaa ee uu weydiistay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Barlamaanka Soomaaliya.JPG6Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha Shacabak ee magaalada Muqdisho ayaa ogolaaday codsiga Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ee ahaa in muddo toban cisho ah la siiyo si uu u soo dhameystiro golaha Wasiirada. Continue reading

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wakaaladda wararka Anadolu ee dalka Turkiga u sheegay in dowladda Soomaaliya ay burburisay xoogga Xarakada Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya.jpgzMadaxweyne Xasan Sheekh oo wakaaladda wararka Anadolu ee dalka Turkiga u sheegay in dowladda Soomaaliya ay burburisay xoogga Xarakada Al-shabaab.

Mudane Xasan Sheekh ayaa xusay in ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen meelo badan kuwaasoo horay ay u maamuli jirtay Al-shabaab. Continue reading

Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo Barlamaanka weydiistay in la siiyo muddo dheeraad ah.

PM Omarr AbdirashidWaxaa maanta oo Sabti ah lagu waday in xukuumadda cusub ee Soomaaliya loo qaado kalsoonida ay ku shaeyn lahay, sidaas dareed wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in dib u dhac ku timaaday ansixinta xukuumadda, isla markana Ra’iisul wasaaraha Somalia uu weydiistay Baarlamaanka muddo dheeraad ah.
Continue reading

Ergayga Midowga Yurub ee Geeska Afrika oo walaac ka muujiyay xasilloonni-darrada siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya iyo waxa ka dhalan kara.

Alexander RondosErgayga Midowga Yurub ee Geeska Afrika, Alexander Rondos iyo danjiraha Midowga Yurub ee Somalia, Michele Cervone d’Urso ayaa walaac ka muujiyay xasilloonni-darrada siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan iyo waxa ka dhalan kara.
Continue reading

Ururka Midowga Afrika oo ka codsaday Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya inay ansixiyaan Golaha Wasiirada cusub.

auUrurka Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay magacaabista Golaha Wasiirada cusub ee uu ku dhawaaqay Raiisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, kuwaasi oo saddex ka mid ah ay Dumar yihiin.
Continue reading

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo galabta dib ugu soo laabtay dalka.

Madaxweyne Xasan.jpg1Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay, kadib marki uu dalka Ethiopia uga soo qeybgalay shir madaxeedki Midowga Africa.
Continue reading

Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Robert Mugabe oo maanta loo doortay Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Robert MugabeMadaxweynaha dalka Zimbabwe, Robert Mugabe ayaa maanta loo doortay hoggaamiyaha cusub ee Midowga Afrika, isagoo xilka kala wareegaya madaxweynaha Mauritania oo muddo sannad ah hayay xilkan.

Afhayeenka Mugabe, George Charamba ayaa sheegay in madaxweyne Robert Mugabe oo 90-jir ah uu Midowga Afrika ku hoggaamin doono inay noqto hoggaanka caalamka oo dhan. Continue reading

Ururka Midowga Afrika oo soo dhaweeyay magacaabidda golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya.

shirka midowga afrika & QMUrurka Midowga Afrika ayaa maanta si rasmi ah u soo dhaweeyay magacaabidda golaha wasiirrada cusub ee Somalia, kuwaasoo toddobaadkan gudihiisa uu magacaabiddooda ku dhawaaqay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid.
Continue reading

Shir-Madaxeedka Ururka Midowga Afrika oo Maanta si rasimi uga furmaya Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Shir Madaxeedka Midowga AfrikaShir-madaxeedka ururka Midowga Afrika ayaa maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya, iyadoo shirka sannadkan 2015-ka oo socon doona laba casho ay ka qayb-galayaan inta badan madaxda dalalka Afrika.
Continue reading

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo soo dhaweeyay ku dhawaaqidda golaha wasiirrada cusub….

Nicholas Kay.jpg3Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa maanta soo dhaweeyay golaha wasiirrada cusub ee Somalia oo uu 27-kii bishan ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
Continue reading

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta ansixiyeen Sharciga Hanti-dhowrka guud ee Qaranka.

Barlamaanka ansixinXildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedka hanti-dhowrka Qaranka oo ka mid ahaa hindisayaasha ay xildhibaannadu ka doodayeen dhowrkii casho ee lasoo dhaafay, iyadoo hidisahan uu maray saddex marxaladood ee aqrinta. Continue reading

Maamulka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo u qeybiyay deeq raashin ah dadka degan degmadaas iyo dad reer guuraa ah.

Qaybin RaashiinMaamulka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo u qeybiyay deeq raashin ah dadka degan degmadaas iyo dad reer guuraa ah, dadkaas oo ku dhibateysnaa degmada Maxaas ayaa waxaa la siiyey raashin isugu jirta bur iyo sonkor. Continue reading

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Addis ababa, kana qayb-galaya shirka Ururka Midowga Afrika.

Madaxweyne Xasan AddisMadaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa kgaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeybgelayo kulan madaxeedka Midowga Afrika oo dhacaya 30-ka illaa 31-ka.
Continue reading

Ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM oo Al-shabaab kala wareegay deegaanno ka tirsan Degmada Kismaayo ee G/Jubbada Hoose.

Kismaayo-dagaal.jpg1Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Jubbooyinka ayaa gacanta ku dhigay deegaannada Jannaay Cabdalla, Far-waamo iyo kuwo kale oo ku teedsan webiga Jubba, sida ay u sheegeen warbaahinta saraakiil ka tirsan ciidamada isbahaysanaya.
Continue reading

Xildhibaannada Baarlamaaanka Soomaaliya oo maanta ka dooday dhismaha Guddiga madax-bannaan ee doorashooyinka.

Barlamaanka Soomaaliya.JPG3Xildhibaannada Baarlamaaanka Somalia ayaa maanta ka dooday dhismaha guddiga madax-bannaan ee doorashooyinka, iyadoo xildhibaanadu ay talooyin ka dhiibteen akhrintii saddexaad ee hindise sharciyeedka guddiga doorashooyinka.
Continue reading

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay hannaanka dowladda Soomaaliya ee la-dagaalanka Al-shabaab iyo goosashada xubnaha Al Shabaab.

Madaxweynaha iyo Beesha CaalamkaMadaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay hannaanka dowladda Soomaaliya ee dhinaca la-dagaalanka Al-shabaab iyo saameynta barnaamijkani uu ku leeyahay goosashada xawliga ah ee xubnaha Al Shabaab ka tirsan uga soo goosanayaan ururkaas. Continue reading

Munaasabad lagu taageerayay Wasiirada cusub ee uu ku dhawaaqay Ra’isul-wasaare Cumar Cabdirashiid oo maanta lagu qabtay Degmada Xamar Jajab ee G/ Benaadir.

Somalia's PM Sharmarke speaks at FAO headquarters during a food security summit in RomeMunaasabadan lagu taageerayay Wasiirada cusub ee uu xalay ku dhawaaqay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ay ka qeyb galeen maamulka Degmada Xamar Jajab iyo Qeybaha bulshada ee degmadaasi ku dhaqan ayaa lagu qabtay xarunta Degmada Xamar Jajab ee gobolak Benaadir. Continue reading

R/wasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay golaha wasiiradiisa cusub oo ka kooban 21wasiir.

Ra’iisul-wasaare Cumar Cabdirashiid CaliR/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid ayaa Caawa fiidkii ku dhawaaqay golaha wasiirradiisa cusub, oo ka kooban 21-wasiir, kaddib markii uu bartamihii bishan kala diray golihii wasiirradii uu horay u magacaabay. HOOS KA DAAWO, DHEGEYSO OO AKHRI LIISKA MAGACYADA WASIIRADA & WASAARADAHA. Continue reading

Shirka looga hadlayo Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Shirka Xuquuqda Aadanaha.jpg2Shir looga hadlayo Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaana shirkaas ka soo qeyb galay Sii-hayahay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Sii-hayaha wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya,Guddi ka socday golaha xuquuqul insaanka ee Bariga iyo Geeska Afrika ,Xubno ka socday Midowaga Yurub, hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee ka howlaga Soomaaliya iyo Ururada Bulshada Rayidka ah iyo xeel dheeriyaal arimaha Xuquuqul Insaanka ka shaqeeya.
Continue reading

Sarkaal Sare oo kasoo goostay Xarakada Al-shabaab oo maanta Muqdisho ku qabtay Shir Jaraa’id.

Zakariya Ismaaciil XirsiMagaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Zakariya Ismaaciil Xirsi oo ah Sarkaal Sare oo kasoo goostay Xarakada Al-shabaab, iskuna dhiibay bishii lasoo dhaafay ee Decemer 2014-kii, ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo, wuxuuna shaaciyey inuu qaatay nabadda.
Continue reading

Magaalada Garoowe ee maamul Goboleedka Puntland oo ka Furmay Shir looga hadlayo Barnaamijka Higsiga Soomaaliya ee 2016ka.

Higsiga Garoowe.jpg1Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, C/weli Max’ed Cali (Gaas) ayaa maanta furay shir socon doono laba maalin,kaasi oo looga hadlayo hiisiga cusub ee Soomaaliya [New Deal],maalin ka dib markiii uu soo gaba-gabeeyay booqasho uu ku tagay magaalada Bosaaso.
Continue reading

Sii-hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka Qayb-galaysa shirka ururka Midowga Afrika oo ka furmaayo magaalada Addis Ababa.

Bayle Addis.jpg1Sii-hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda Somalia, C/raxmaan Ducaale Bayle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb-galaya shirka ururka Midowga Afrika uga furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, kaasoo hordhac u ah shir-madaxeedka Midowga Afrika oo dhacaya dabayaaqada bishan.
Continue reading

Wasaaradda Maalliyadda oo Sheegtay in haddii si niyad ah loo bixiyo canshuuraha ay dowladu awoodeyso in ay bixiso adeegyada dadweynuhu u baahan yihiin.

Wasiirka MaaliyaddaSii-hayaha xilka Wasiirka Maalliyadda Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Xalane oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in sanadkan cusub la kordhin doono qaadista canshuurta taas oo kuu sheegay in loogu golleeyahay in kor loo qaado dakhliga dowladda Soomaaliya.
Continue reading

Hanti-dhowrka Qaranka oo sheegay inay ku guuleysteen in ay xiraan inta badan xisaabaadkii lacageed ee hay’adaha dowladda Soomaaliya….

Astaanta SomaliaHanti-dhowraha guud ee Soomaaliya, Nuur Jimcaale Faarax oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegeay inay ku guuleysteen in ay xiraan inta badan xisaabaadyadii lacageed ee hay’adaha dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen bankiyada ganacsiga ee Muqdisho.
Continue reading

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay Xukuumada Cusub iyo Booqashadii Erdogan.

Madaxweynaha  kulan.jpg7Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay booqashadii Recep T. Erdogan iyo magacaabida xukuumadda cusub ee Somalia.
Continue reading

Guddoomiyaha Midowga Afrika oo Ammaantay ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

AU Nkosazana_Dlamini.jpg1Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma oo maanta ka hadlaysay shir hordhaca ah ee ururka Midowga Afrika ayaa ammaan u jeediyay ciidamada AMSIOM ee ka howlgalaya Soomaaliya iyo kuwa kale ee dalalka Afrika ka howlgalaya.
Continue reading

Wafdi ka socda Guddiga Xuquuqda Aadanaha Afrika oo maanta soo gaaray Muqdisho.

guddiga xuquuqda aadanaha AfrikaWafdi ay hoggaaminaysay Reine Alapini Gansou oo ka tirsan guddiga xuquuqda aadanaha Afrika, guddoomiyaha guddigan horay u soo noqotay, iyagoo berri oo Talaado ah kaga qaybgeli doona weyn oo ku saabsan Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya.
Continue reading

Isbitaalka Digfeer oo xariga laga jaray isla markaana loogu magac daray Madaxweyne Erdogan.

10891524_892012110819411_3853562073058501212_nMadaxweynaha Turkiga Recep Tayyip ErdoÄŸan ayaa si rasmi ah xariga uga jaray isbitaalka digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ka mid ah goobaha ay dowladda Turkiga dhistay, isla markaana qalabeyn casri ah ku sameysay. HOOS KA DAAWO VIDE-GA IYO SAWIRADA. Continue reading

DAAWO: Madaxweynaha Turkiga Recep Erdogan oo xarigga ka jaray Terminal-ka lagu kordhiyay garoonka Muqdisho.

ORDOGAN8Madaxweynaha Turkiga Recep Erdogan ayaa garoonka xarigga ka jaray Terminal-ka cusub ee garoonka diyaaradaha Soomaaliya lagu kordhiyay, isagoo ku xarig jaridda ku billabay magaca Alle iyo bisinka.

Erdogan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu kala soo qaybgalo, xarig jarka Terminal-ka cusub. HOOS KA DAAWO FULL VIDEO IYO SAWIRRO BADAN. Continue reading

Madaxweyne Turkiga oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde.

Erdogan Somalia.jpg2Madaxweynaha dalka Turkgia Recep Tayyip ErdoÄŸan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdiho, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxda sare ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. HOOS KA DAAWO FULL VIDEO IYO SAWIRO.
Continue reading

%d bloggers like this: