Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo maanta ansixiyey Miisaaniyadda sannadka 2015-ka ay dowladdu ku shaqeyn doonto.

Barlamaanka.jpg3Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa maanta meel-mariyay miisaaniyadda sannadka 2015-ka ay dowladdu ku shaqeyn doonto, taasoo ay maalmihii lasoo dhaafay ka doodayeen.

Warbixin ku saabsan miinsaaniyaddan oo ka badan tii sannadkii dhamaadka ah ee 2014-ka ayaa laga dhageystay guddiga maaliyadda baarlamaanka kaa oo sheegay inuu inay wax ka bedel ku sameeyeen miisaaniyadda 2015-ka; iyadoo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar ayaa xildhibaannada furay inay cod u qaadaan miisaaniyadda.

Dood dheer kaddib  xildhibaannadu ayaa waxay cod u qaadeen Miisaaniyadda waxaan cod buuxa ku  ogolaaday 148-xildhibaan, halka ay diideen sagaal mudane, waxaana ka aamusay shan mudane oo keliya, iyadoo guddoonku uu ku dhawaaqay in miisaaniyaddu ay tahay ansax.

Miisaaniyadda 2015-ka ay ku shaqeynayso dowladda Somalia ayaa gaaraysa 239.9 milyan oo doollarka Mareykanka ah, waxaana ay miisaaniyaddan aad uga badan tahay miisaaniyaddii sannadkan dhammaadka ah ee 2014-ka.

Kulanka lagu ansixiyay miisaaniyadda sannadkan 2015-ka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa sii hayaha xilka wasiir-u-dowlaha wasaarada C/llaahi Maxamed Nuur. Isagoo markii miisaaniyada 2015-ka la ansixiyay u mahadceliyay ayaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Jeylaani Nuur Iikar oo kulanka shir-guddoominayay ayaa ku dhawaaqay in miisaaniyaddu ay ansax tahay, isgaoo sheegay in kulankaan kiisa xiga uu dhici doono marka la galo sannadka cusub ee 2015-ka.

Si kastaba ha ahaatee, miisaaniyadda 2015-ka oo gaaraysa 239.9 milyan oo doollar, ayaa inta badan loo qoondeeyay adeegga maamulka, iyadoo qaabka loo qoondeeyay ay kala tahay; 43.1% waxaa lagu bixinayaa ammaanka iyo difaaca, 36.8% waxaa lagu bixinayaa adeegyada bulshada.

SomaliSwiss           Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: