Ciidamada Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa xalay ilaa saaka howlgallo ka wada deegaano u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.
Ciidamada ayaa la sheegay in saqdii dhexe ee xalay ay howlgalka ka bilaabeen deegaanka Ceelasha biyaha iyo deegaano u dhow, waxeyna guri guri u baarayeen xaafadahaasi.
Howlgalka ayaa la sheegay in lagu soo qab qabtay hub iyo dhalinyaro la rumeysanyahay iney ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Alshabaab.
Ciidamada ayaa hakad geliyay dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyo dadka inta uu socdo howlgalkaasi, waxeyna isku fidiyeen deegaano balaaran oo dhaca inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.
SomaliSwiss           Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.