Boqorka dalka Saudi Arabia oo 91-jir ah oo maanta la Dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada Riyaad, Xanuun Awgiis!!!.

Boqor Abdalla  SaudiBoqorka dalka Saudi Arabia, Cabdalla bin C/casiis Ala-Sucuud oo 91-jir ah ayaa maanta oo Arbaco ah la dhigay isbitaal, kaddib markii uu la soo gudboonaaday xanuun aan la shaacin, iyado boqortooyada Saudi Arabia ayaa sheegeen in lagu sameyn doono baaris caafimaad.

Wararka ayaa intaas ku daray in shaki weyn uu ku jiro sii hoggaaminta dalka Saudi Arabia oo ah dal qani ku ah saliidda, iyadoo la dhigay isbitaalka boqor Cabdulcasiis ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Riyadh.

Waxaa lagu wadaa in Salmaanbin C/casiis, 77-jir ah uu bedelo boqor Cabdalla bin C/casiis, isagoo xilliyadii ugu dambeeyay sii waday maamulka boqortooyada Saudi Arabia, kaddib markii boqorku xanuunsaday.

Sida la wada ogsoon yahay Dhaxal-sugihii Boqortooyada Saudi Arabi Marxuum Na’if Bin C/casiis ayaa geeriyooday sannadkii 2012-kii, iyadoo markaas dhaxal-suge loo magacaabay Salmaan oo ay walaalo yihiin boqor Cabdallaha xanuunsan.

Mas’uulkan ayaa ku matalayay boqortooyada Saudi Arabia shirarka Dunida ka dhacayay, kuwaasoo uu ka mid ahaa shirkii bishan ka dhacay Qatar, sababo la xiriira caafimaadka boqorka oo kasii darayay.

Boqor Cabdalla bin C/casiis, ayaa wuxuu dhawaanahan ka maqnaa goobaha muhiimka ah, taasoo keentay in shacabka boqortooyada Sucuudiga ay shaki weyn ka qaadaan caafimaadka boqorkooda.

Ugu dambeyn, boqorka Saudi Arabia, Cabdalla bin C/casiis ayaa laba jeer oo hore lagu sameeyay qalliinno, iyadoo qalliinkii hore lagu sameeyay Oktoobar 2011-kii, halka kii labaadna lagu sameeyay bishii November ee sannadkii 2012-kii.

Si kastaba ha ahaatee, boqortooyada Saudi Arabia oo ay ku yaallaan labada masaajid ee barakeysan oo kala ah Kacbada; Maka Al-Mukarama iyo Madina Al-Munawara ayaa wuxuu tan iyo 1932-kii kusoo jiray xukun boqortooyo ah, kaasoo uu billaabay boqor C/casiis Ala-Sucuud carruurtiisu ay xilka isku bed-bedelaan.

SomaliSwiss Ā  Ā  Ā  Riyadh
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: