Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Qaahira kula kulmay Imaamka Guud ee Jaamacadda Al-Azhar.

AzharMadaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay Imaamka Guud ee Jaamacadda Azhar, Sheekh Axmad Al-Tayyib.

Kulanka intii uu socday ayuu madaxweynaha Somalia wuxuu warbixin ka siiyay Imaamka Azhar xaaladda Somalia iyo baahida loo qabo in Azhar ay soo celiso doorkii ay ku lahayd Soomaaliya.

Azhar.jpg1Imaamka Al-Azhar, Sheekh Axmed Al-Tayyib ayaa isna sheegay in Al-Azhar ay diyaar u tahay inay gacan ka siiso Soomaaliya dhinacyada barashada diinta iyo culuunta kale ee maadiga ah sida caafimaadka, sayniska iyo kuwo kale.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa xusay in Azhar ay baal dahab ah ay ka gashay taariikhda Soomaaliya, shacabkuna ay tabayaan macalimiintii, imaamyadii iyo khubaradii Azhar ee ka hawl-geli jiray dalka.

“Waa hubaal in Al-Azhar oo si buuxda ugu soo laabata waddanka ay keeni karto in lasoo afjaro jahwareerka xagga diinta ah ee dadkeenna ku dhacay 25-kii sano ee lasoo dhaafay, si meesha looga saaro fikradaha qaldan ee shacabkeenna kala geynaya. Waxaan nahay shacab Muslim ah, diinta islaamkuna waa diin nabadeed,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Imaamka Azhar ayaa ku boorriyey Soomaalida inay ka shaqeeyaan sidii ay midnimadooda iyo nabadda dalkooda ku xoojin lahaayeen, shacabkana ay ugu horseedaan nabad buuxda, sida diinta Islaamkuba qabto.

AzharUgu dambeyn, kulanka ayaa waxaa ka hadlay wasiirrada Caddaaladda iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha, isagoo xusay in Al-Azhar ay gacan ka geysan karto horumarka Soomaaliya.

SomaliSwiss Qaahira
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: