Sheikh Zakariye Ismaaciil oo ah Sarkaalkii dhawaan kasoo goostay Al-shabaab ayaa lagu wadaa in lagu wareejiyo hay’adda nabadsugidda Qaranka, iyadoo la keenayo Muqdisho, waxaana uu noqonayaa kii labaad oo ka tirsanaan jiray Al-shabaab oo gacanta loosoo geliyo nabadsugidda 2014-ka.
Sh. Zakariye oo labadii casho ee lasoo dhaafay wuxuu gacanta ugu jiray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugan gobolka Gedo, kadibna waxaa la keenayaa xarunta Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo sarkaalkan uu ka mid ahaa xubno kooxda Al-shabaab ka tirsan oo Mareykanku uu malaayiin doollar dul-dhigay.
Sarkaalkan oo dhinaca dhaqaalaha iyo sirdoonka u qaabilsanaa Al-shabaab ayaa la filayaa in laga soo duuliyo degmada Wajeer ee dalka Kenya si loo keeno Muqdisho, iyadoo la xusuusto in horay loogu diiday Kenya in gacanta loo geliyo sarkaalkan.
Xubno ka tirsan nabadsugidda dowladda Somalia ayaa sheegay inay u badan tahay in sarkaalkan la keeno Muqdisho maanta, ayna dhici karto inay dib u dhacdo keenistiisa Muqdisho muddo dhowr casho ah.
Hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa dhawaan xaqiijisay in Zakariye Ismaaciil gacanta lagu dhigo, hase yeeshee ay soo gacan-gelidiisa ay dib ka faahfaahin doonaan.
Si kastaba ha ahaatee, Zakariye ayaa noqonaya sarakaalkii labaad oo Al-shabaab ka tirsan oo loo gacan-geliyo sirdoonka dalka, iyadoo bishan lasoo bandhigay Xasan Xanafi oo ka tirsanaa Al-shabaab oo gacanta u soo galay sirdoonka Soomaaliya.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.