Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo duqemo cirka ka fuliyay deegaan ku dhow degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe Soomaaliya.

Diyaarad  dagaal Duuliye la'aan ahDuqeymo cirka ah ayaa Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyay deegaan ku dhow degmada Saakow oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, kaasoo ah mid ay gabi ahaantiis gacnta ku hayso Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay maqleen qaraxyo waa-weyn oo ahaa duqeymo diyaaradeed, iyadoo duqeynta ay ka dhacday deegaanka Jawaarey oo ku dhow degmada Saakow.

Ilo-wareedyo qarsoon ayaa sheegay in duqeynta lagu beegsaday sarkaal sare oo Xarakada Al-shabaab ka tirsan, inkastoo aan magaciisa la sheegin, sidoo kalena lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntan.

“Xalay saqdii dhexe waxaan maqalnay qaraxyo waaweyn oo duqeymo ahaa, waxaan filaynaa inay ahaayeen gantaallo ay diyaaradi soo tuurtay, lamana oga khasaaraha ka dhashay,†ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay saxaafadda.
Sidoo kale, wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa iyana ku xustay war kooban oo ay soo saartay in weerarkaas uu jiro, balse weli qiimeyn ku hayaan sidii ay wax u dhaceen.

“Waqtigan la joogo waxaa la qiimeynayaa sida ay wax u dhaceen iyo wixii khasaare ah ee duqeynta ka dhashay,†ayaa lagu yiri wa qoraalka oo kasoo xarunta Pentagon-ka Mareykanka. Iyagoo sheegay inay sida ugu dhakhsiyo badna ay warbixin uga soo saari doonaan duqeyntan.

Dhanka kale, weerarkan ayaa imaanaya xilli Sabtidii lasoo dhaafay uu isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab kaasoo horay loo dul-dhigay baadi-goobkiisa malaayiin doollar.

Si kastaba ha ahaatee bishii September ee sannadkan ayay ahayd markii ay Mareykanku duqeyn cirka ah oo ka dhacday gobolka Shabeellada Hoose ku dileen hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: