Habeenkii Bisha Dizember ay ahay 26ka ee Sanadkan 2014ka ayaa la sheegay inay ahay habeenkii ugu qaboobanaa Sanadka heerka qabowga ee loo yaqaana (Termometer) ayaa magaalada Brévine ee Kanton Neuchâtel wuxuu gaaray ilaa -29 grad, qabowgaas ayaa waxaa lagu micneeyey kan ka dhaca Gobolka “Siberia svizzera” ee dalka Ruushka.
Sidoo kale magaalada Zürich ee Kanton Zürich ayaa iyaduna heerka Qabowga gaaray ilaa -16,6 Grad, sidaas waxaa shaaca ka qaaday Xafiiska Mala-awaalka Hawada.
Warku wuxuu intaas uu ku darayaa in qabowgaas uu sababay dhibaatooyin Tareenada isaga goosha Kantoonada dalkan Switzerland, sidaas waxaa sheegay Codbaahiyaha Shirkadda SBB.
Dhanka kale Codbaahiyuhu wuxuu sheegay in qabowga awgiis ay Tareenada isaga goosha Garoomada diyaaradaha Genevra –Zürich ilaa San-gallen ay la kulmeen dib u dhac Saacado badan ah
SomaliSwiss    Zürich
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.