Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Qaahira kula kulmay Imaamka Guud ee Jaamacadda Al-Azhar.

AzharMadaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay Imaamka Guud ee Jaamacadda Azhar, Sheekh Axmad Al-Tayyib.

Kulanka intii uu socday ayuu madaxweynaha Somalia wuxuu warbixin ka siiyay Imaamka Azhar xaaladda Somalia iyo baahida loo qabo in Azhar ay soo celiso doorkii ay ku lahayd Soomaaliya.
Continue reading

Guddiga joogtada ee Barlamaanka oo maanta ka hadlay arrimo muhiim ah.

Guddiga Joogtada Barlamaanka.JPG6Waxaa magalada Muqdisho Kulan ku yeesheen guddiga Joogtada ah ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, kulankaas oo shir guddominayey kusimaha Madaxweynaha dalka ahna Afhayeenka golaha shacabka Soomaaliya Mudame Maxameed Sheekh Cismaanâ€Jawaari†ayaa looga hadlay labo arrimood oo kala ahaa u diyaar gorowga ansixinta barnamijka xukumada cusub ee Soomaaliya. Continue reading

Hay’adda Nabadsugidda Qaranka oo la Wareegaysa Sarkaalkii kasoo goostay Al-shabaab.

Xarunta NabadsugiddaSheikh Zakariye Ismaaciil oo ah Sarkaalkii dhawaan kasoo goostay Al-shabaab ayaa lagu wadaa in lagu wareejiyo hay’adda nabadsugidda Qaranka, iyadoo la keenayo Muqdisho, waxaana uu noqonayaa kii labaad oo ka tirsanaan jiray Al-shabaab oo gacanta loosoo geliyo nabadsugidda 2014-ka.
Continue reading

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo duqemo cirka ka fuliyay deegaan ku dhow degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe Soomaaliya.

Diyaarad  dagaal Duuliye la'aan ahDuqeymo cirka ah ayaa Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyay deegaan ku dhow degmada Saakow oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, kaasoo ah mid ay gabi ahaantiis gacnta ku hayso Al-shabaab.
Continue reading

Magaalada Bern ee dalka Switzerland oo lagu soo Bandhigay Saacadda Ugu Weyn Caalamka.

Sacadda ugu weynDalkan Switzerland ayaa waxaa sanad kasta dhammaadkiisa la soo bandhigaa dhacdooyinka ugu waaweynaa, ugana muhiimsanaa, sidaas darteed waxaa la soo bandhigay Saacadda ugu weyn shirkaddaTareenada Swiiska ee markii magaceeda la soo gaabiyo loogu yeero SBB.
Continue reading

26ka Dizember waa habeenkii ugu Qabowbana ee Sanadka 2014ka.

Qaboow.jpg1Habeenkii Bisha Dizember ay ahay 26ka ee Sanadkan 2014ka ayaa la sheegay inay ahay habeenkii ugu qaboobanaa Sanadka heerka qabowga ee loo yaqaana (Termometer) ayaa magaalada Brévine ee Kanton Neuchâtel wuxuu gaaray ilaa -29 grad, qabowgaas ayaa waxaa lagu micneeyey kan ka dhaca Gobolka “Siberia svizzera” ee dalka Ruushka.

Sidoo kale magaalada Zürich ee Kanton Zürich ayaa iyaduna heerka Qabowga gaaray ilaa -16,6 Grad, sidaas waxaa shaaca ka qaaday Xafiiska Mala-awaalka Hawada.
Continue reading

%d bloggers like this: