Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta magaalada Qaahira kula kulmay Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta

Jaamacadda Carabta.jpg2Madaxweynaha jamhuuriyadda fedaraalka ah ee Soomaaliya oo ku sugan magaalada qaahira ee dalka masar ayaa la kulmay Xoghayaha guud ee jaamacada Carabta Nabiil Al Carabi iyagoo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka Soomaaliya iyo jaamacadda carabta maadaama ay xubin ka tahay iyo fulinta ballanqaadyo ay horay ururkaasi ugu sameeyeen dowladda federaalka ah.

Jaamacadda Carabta.jpg3Madaxweyne Xasan Sheekh maxamuud ayaa xoghayaha guud ee Ururka jaamacadda Carabta markii uu la kulmay waxa uu warbixin ka siiyay xaaladda Soomaaliya iyo halka ay wax marayaan, isagoo sidookale kala hadlay Arrimo ay ka mid yihiin sidii jaamacadda ay mashaariic uga hirgelin laheyd Soomaaliya maadaama uu xiligan dalkeenu isbedel muuqda dhalay.

Mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay inuu guul kusoo dhamaaday kulankan uu maanta magaalada Qaahira kula yeeshay xoghayaha guud ee jaamacadda carabta,isagoo u rajeeyay inay xafiisyadooda Soomaaliya balaariyaan.

SomaliSwiss       Qaahira
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: