Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta soo dhaweyn heer Sare ah loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada dalka Masar ee magaalada Qaahirla.

Somalia & Masar.jpg2Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya udane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo dhaweyn heerkeedu sareeyo loogu sameeyay xarunta madaxtooyada dalka Masar ee magaalada Qaahira kadib markii casuumaad rasmi ah uu ku yimid dalkan.

Somalia & Masar.jpg1Madaxweynaha ayaa ugu horeyn salaan sharaf ka qaatay ciidamada qalabka sida ee Masar cutubyo katirsan iyadoo uu wehliyo dhigiisa Masar Gen.C/Fataax Siisii waxaana madaxweynuhu uu gacan qaaday xubno katirsan golaha wasiirada Masar ee aqalka goobjooga ka ahaa.

Labada Madaxweyne ayaa waxay yeesheen kulan waqti qaatay oo ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka socday labada dowladood gaar ahaan dhanka golaha wasiirada.

Somalia & Masar.jpg4Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Da,uud Aweys ayaa sheegay in madaxweyne Xassan Sheekh uu u gudbiyay dhigiisa in dhinacyo badan laga garab siiyo Soomaaliya si labada dal ay hore ugu sii wadaan Soomaaliyada cusub iyo Masarta Cusub.

Dhinaca kale madaxweynaha dalka Masar C/fataax Siisii ayaa ballan qaaday inuu dhisayo gudi ka shaqeeya horumarinta xiriirka Masar iyo Soomaaliya isagoo dhanka kalena xusay inay Soomaaliya ka taageerayaan arrimaha tababarka ciidamada iyo dhinacyo kale,Soomaaliya oo xiligan isbedel muuqda oo dhanka amniga ah uu ka bidhaamay.

SomaliSwissĀ Ā Ā  Qaahira
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: