Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ayaa sheegtay in Zakariye Ismaaciil oo shalay isku soo dhiibay ciidamada dowladda uu muddo laba sano ka hor ah ka goostay.
Zakariye ayaa wuxuu ka mid ahaa toddoba sarkaal oo Al-shabaab ka mid ah oo Marekanka uu dul-dhigay madaxooda malaayiin doollar, kuwaasoo ka mid ahaa saraakiisha sar-sare ee Al-shabaab.
“Safka mujaahidiinta kuma jirin Zakariye Ismaaciil 19-kii bilood ee lasoo dhaafay, waxaan ku tirinayay inuu dowladda ku biiray oo uu ku sugnaa Muqdisho ama magaalooyin kale,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xarakada Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa intaas ku dartay in Zakariye uu ka mid ahaa saraakiishooda sar-sare, balse ay muddooyinkii dambe la’aayeen, uuna u kala safri jiray dalka Qatar iyo Soomaaliya.
Mareykanka ayaa dul-dhigtay sarkaalkan lacag 3-milyan oo doollar si loo helo macluumaad ku saabsan, iyadoo la sheegay inuu ahaa madaxii sir-doonka ama ciidamada amniyaadka loo yaqaan ee Al-shabaab.
Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Zakariye uu ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab ee isugu tagay gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, uuna soo goostay markii uu u adkeysan waayay dhibaatada uu ku jiro.
Arrintu si kasta ha ahaatee, sarkaalkan ayaa wuxuu noqonayaa mid ka mid ah saraakiishii ugu sarreeyay Al-shabaab ee isku soo dhiiba dowladda, kaas oo ay madaxiisa saaran tahay saddex milyan oo Mareykanku ku doon-doonayay.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.