Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u amababaxay waddanka Masar, halkaas oo uu kula soo kulmi doono dhiggiisa dalkaasi kaddib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dalkaasi Masar.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud garoonka Muqdisho waxaa ku sii sagootiyey Ku Simaha Madaxweynaha ahna afhayeen Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid iyo qaar ka mid ah sii hayeyaasha xilalka Wasiirrada dowladda Soomaliya.
Daa’uud Aweys oo ah Afhayeenka Madaxweynaha ayaa wuxuu garoonka kula hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya socdaalkiisa uu ku tagayo caasimadda dalka Masar ee Qaahira, isla markaana uu la kulmayo dhiggiisa dalkaasi C/fataax Siisi si ay uga wada hadlaan xiriirka labada dalka iyo sidii loo xoojin lahaa Xiriir ku dhisan iskaashiga ee ka dhaxeeya Somalia iyo Masar.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.