Wadada Bahnhofstrasse ee magaalada Zürich ee wadanka Switzerland ayaa si aad ah loo iftiimiyey feestooyinka Masiixiga ee Sanadkan 2014ka iyo Feestada sanadka cusub ee 2015ka.
Wadadan ayaa ah wado ka soo billaabmayso Bahnhofka weyn ee maagaalada Zürich, waxayna ku dhamaataa Balliga biya-fadhiisiga, dhirirka wadan ayaa ah 1,4 Kiiloometer.
Sida la sheegay Wadadan ayaa leh taariikh aad u fog waxaa la dhisay Sanadka markuu ahaa 1865, waxaana loo diyaargaroobayaa in Fantasiyaha iyo dabaaldegga Sanadguurada 150-aad.
Labada dhinac ee Wadada Bahnhofstrasse iyo hareeraheeda ayaa waxaa ku yaala dhismooyin waaweyn iyo Dukaamo aad u qiimo badan, kuwaas oo kiradooda aad qaali u ah ayaa waxaa lagu kala kireystaa 9.000 Faran-Swiss Halkii Meter laba-jibaaran.
Shirkadaha ganacsiga uga waaweyn ee Wadadan ku caanka ah waxaa ka mid ah : Shirkadda MANOR, Shirkadda Ganacsiga Saacadaha ugu qiimo culus Sida shirkadda Brunos oo iska leh qoys ku caan-baxay ka ganacsiga Saacadaha lagu magacaabo Marke, waxaa kaloo Aagga waddadaas ku yaalla shirkada H&B, Vogäl, Globus iyo kuwo kale oo aad u badan.
Maalmahan, ayaa waxaa waddadaas si aad ah u soo buux-dhaafiyey dad boqolaal kun ah oo ka dukaansanayey goobaha waaweyn ee ku yaalla Wadada Bahnhofstrasse Zürich.
SomaliSwiss    Zürich
W.Q Dr. Dhicisow
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.