Ra’isulwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid oo ay wehliyaan Sii-hayaha Xilka Wasiirka Gaashaandhigga iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waxaana uu ka qeybgalay munaasabad lagu qabtay xarunta Wasaaradda,Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi( Indha-Qarshe) iyo saraakiiisha qeybaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa munaasabaddaasi.
Munaasabadda ayaa intii uu socoday ayaa waxaa ka hadlay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi( Indha-Qarshe) waxaana uu ka sheekeeyay marxalladihii kala duwanaa oo uu soo maray Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in taliska Ciidanka Xoogga uu ku howlan yaha dib u dhiska Ciidanka Xoogga taas oo hadda meel wanaagsan marayso.
Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi( Indha-Qarshe) Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa sidoo kale sheegay in taliska Ciidanka Xoogga uu guulo badan ka gaaray dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab deegaano badan oo dadka Soomaaliyeed ay ku dhibaateyn jireena laga fara maroojiyay kooxdaasi.
Janaraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Sii-hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay ku guuleysatay in ay soo celiso xiriirka Wasaaradda iyo Beesha Caalamka taasina sababtay in dowladda Mareykanka ay xarumo Ciidanka Soomaaliya lagu tababarayo ka sameysato gudaha Wadanka.
Ugu dambeyntii kulan ayaa waxaa soo gunaanaday Ra’iisulwasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid, waxaana uu sheegay in xukuumadiisu ay ahmiyadda balaaran siin doonto dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya si loo helo ciidan isku filan oo awooda difaac dalka.
“Ahmiyadda 1 aad, ahmiyadda 2 aad iyo ahmiyadda 3 aad xukuumadayda waa adinka (Ciidanka Xoogga dalka) runtii hadii uu Qaran awood, Dhaqaale, sharaf iyo xasilooni leeyahay waa ciidan, markii hore oo aan Ra’isulwasaraha ahaa waan ka shaqeynaayay haddana waan ka shaqeyn doonaa insha’alah” ayuu yiri Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.