SomaliSwiss Media, Waxay ogeysiinaysaa oo ugu bishaarey naysaa Dhammaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Muqdisho, Beledweyn, Baydhabo, Boosaaso, Â Boorame, Burco, Garoowe, Hargeysa iyo Kismaayo in ay u hayso fursado shaqo Weriye nimo ee magaaloyinka aan kor ku soo xusnay magacyadooda iyo meelaha u dhow ama hoos taga. HOOS AKHRI SHURUDAHA.
Shurudaha ugu horeeya ee laga doonayo Weriyeyaasha shaqadaan soo codsanaya  waxaa ka mid ah waxyaabaha soo socda ee fadlan   kaso jawaab adigoo soo faah faahinaya intii aad awooddo, waana sidaan hoos ku xusan:
Codsi Shaqo: Faadlan soo qor codsi shaqo oo ku socda SomaliSwiss Media oo aad ku dalbanaysid inaad u shaqeyso ama lashaqeyso, hana halmaamin inaad soo raaciso.
Magacaaga oo sadexan: Hebel Hebel Hebel ama Heblaayo Hebel Hebel
Goobta ama Magaalada aad degantahay ama ku nooshahay sida: Â Muqdisho, Beledweyne, Baydhabo, Bosaaso, Â Borame, Burco, Garoowe, Hargeysa ama Kismaayo.
Meesha aad ku dhalatay:Â Magaca magaalada, Tuulada ama Meel kale.
Taariikhda aad dhalatay haddii aad garanayso Tusaale: 30/3/1977.
Telefoonkaaga sida:Â +2521-0000-0000
E-mailkaaga sida:Â SomaliSwiss@hotmail.com
Sawirkaaga: Fadlan e-mail kusoo dir Laba Sawir oo kala Duwan mid yar oo Teesaro ah iyo mid adigoo dhan ah oo laqaaday muddo aan ka badnayn 90-ki maalmood ee lasoo dhaafay.
Maxaad jeclaan lahayd inaad nala wadaagto: Sida wararka, Faalooyin qoraal ama video ah, Maqaallo qoraal ah, barnaamishyo ama Heeso Cod ah, Muuqaallo Video ah, Documentries ama waxyaabo kale oo video ama maqal ah, fadlan soo sheeg.
Aqoontaada Saxaafadeed:Â Fadlan soo faah faahi, aqoonta aad u leedahay Saxaafada iyo haddii aad hore ugu soo shaqeysay ama hadda ku shaqeyso Saxafinimo goortii aad ku shaqeysay iyo hay’ado warfaafineed oo aad hore ula shaqeysay ama hadda lashaqeyso haddii ay jiraan iyo magacyadooda ama haddii aad hore u qaadatay korsooyin aqoon saxaafadeed, meesha aad ku qaadatay, goorta aad qaadatay iyo ciddii ku bartay iyo ugu dambeyntii inaad haysato qalabka suxfiyiintu isticmaalaan iyo nuuca aad heysato, sida Kaamiro video ah, kaamiro sawir ah, mikarafoon cod, MP3 record cod duube ah iyo wixii la mid ah.
Fadlan soo qor magacyada Saxafiyiin aad is garanaysaan:
Soo sheeg Magacyada iyo Taleefoonnada 3 Weriye oo ku garanaysa haddii aan laxiriirno ee waydiino magacaada ama si fiican ku garanaya. Tusaale:
1: Magaca Weriyaha 1-aad       Hebel Hebel Hebel,
Tel:Â +2521-0000-0000Â +2521-0000-0000.
2: Magaca Weriyaha 2-aad       Hebel Hebel Hebel,
Tel:Â +2521-0000-0000Â +2521-0000-0000Â .
3: Magaca Weriyaha 3-aad       Hebel Hebel Hebel,
Tel:Â +2521-0000-0000Â +2521-0000-0000
Saxiixaaga: Magacaaga oo saddexan kusoo qor.
Taariikhada: taarikhda aad soo qortay.
MAHADSANIDIIN
MAAMULKA SOMALISWISS MEDIA
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.