Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud & wafdi uu hogaaminayo oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaaladda Qaahira.

Madaxweyne_qaahira1-500x334Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa gaaray magaaladda Qaahira kaddib casuumaad uu ka helay dhiggiisa dalka Masar. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA KALE

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah, sii-hayayaasha Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Caddaaladda iyo Dastuurka, Maaliyadda iyo Tacliinta Sare.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Qaahira ku soo dhoweeyey Wasiirka Taclinta Sare ee Masar Dr Mohamud Abu Nasri, Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalkan Masar Cabdullahi Xasan Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale.

Maanta oo Isniin ah aya la filayaa in Madaxweyne Xasan uu kulamo la yeesho madaxweynaha Masar General Abdulfattah Al Sisi, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Dr Nabil Al Carab iyo mas’uuliyiin kale.

Labada dal ayaa ka wada hadli doona xoojinta iyo iskaashiga labada dal ka dhexeeya.

Madaxweyne_qaahira1-500x334 Madaxweyne_qaahira2-500x334 Madaxweyne_qaahira3-500x334 Madaxweyne_qaahira4-500x334 Madaxweyne_qaahira-500x334

%d bloggers like this: