Dowladda Kenya oo Codsatay in loo soo wareejiyo Zakariye iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Codsigaas diidday.

KenyaDowladda Kenya ayaa la sheegay inay ka dalbatay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo in ay kusoo wareejiyaan Zakariye Ismaaciil oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee Al-shabaab oo shalay isku soo dhiibay dowladda, iyadoo saraakiil ka tirsan kuwa dowladda ay diideeen codsigaas.

Taliyaha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo, Col. Cabaas Ibraahim Gurey ayaa sheegay inaysan u gacan-gelin doonin Zakariye ciidamada dalka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kuna sugan gobolka.

“Saraakiisha ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Gedo waxay naga dal-badeen inaan ku wareejinno Zakariye Ismaaciil, balse waan diidnay, waayo Kenya waa dowlad annaguna dowlad ayaan nahay, balse iskaashi ayaa naga dhexeeya,” ayuu yiri Col. Cabbaas.

Col. Cabbaas ayaa intaas ku daray in ammaanka Zakariye oo Al-shabaab ka tirsanaan jiray ay gacanta ku hayaan, sidaas darteedna ay doonayaan inay ku wareejiyaan dowladda Soomaaliya, balse aanay cid kale ku wareejin.

“Zakariye wuxuu hoos-joogaa maanta calanka Somalia, ciidamada Somalia ayaana gacanta ku haya, hadii la maxkamadeynaya gudaha Soomaaliya ayaa lagu maxkamadeyn doonaa,” ayuu Col. Cabbaas hadalkiisa ku daray.

Ma jiro hadal kasoo baxay dowladda Kenya oo ku aaddan go’aanka kasoo baxay ciidanka dowladda Somalia ee gacanta ku haya Zakariye, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo ciidamada dowladdu ay si cad ugu gaca-sayraan codsi uga yimid ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Gedo.

Si kastaba ha ahaatee, Zakariye Ismaaciil oo la sheegay inuu ahaa madaxii Al-shabaab ee dhaqaalaha iyo sirdoonka ayaa shalay gacanta u soo galay ciidamada dowladda ee ku sugna degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, iyadoo Al-shabaabna ay sheegtay inuu laba sano ka hor ka goostay.

SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: