Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed Somalia, Shariif Xasan Sheekh ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo.
Wafdiga ayaa waxaa halkaas si diirran ugu soo dhaweeyay, masāuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Madoobe iyo golihiisa wasiirrada, waxaana loo galbiyey Xarunta madaxtooyada ee maamulka Jubba.
Ha yeeshee Booqashada Shariif Xasan ayaa ah tii ugu horreysay ee uu ku tago Kismaayo tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynenimada, sidoo kale warar ayaa sheegaya in safarka Shariifku ay ujeedadiisu tahay mid uu ku doonayo inuu maamulkaas Iskaashi kula sameeyo, maadaama ay labada maamul yihiin soohdin wadaag.
Dhanka kale Mudane Shariif Xasan oo horay uga tirsanaa xildhibaannada baarlamaanka ayaa loo doortay 17-kii bishii hore ee November ee sanadkan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, kaddib muran iyo buuq badan oo sameynta maamulkan ka dhashay.
Si kasta ha ahaate lama oga in wafdiga Shariif Xasan inta maalmood ee ay qaadan doonto booqashada uu ku tagay Kismaayo.
SomaliSwiss Ā Ā Ā Ā Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.