Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Astaanta al-shabaabSaraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo ku sugan gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku hayaaan horjooge Zakariye Maxamuud iyo nin xogheyn u ahaa sida uu radio Muqdisho u sheegay Sheekh Isaaq Xuseen Mursal oo saraakiisha Ciidanka Soomaaliya kamid ah.

Horjooge Zakariye Maxamuud ayaa ahaa Xoghayaha Maalliyadda ee Kooxda Al-shabaab, waxaana sidoo kale uu kamid ahaa horjoogiyaasha madaxooda la dul-dhigay lacag isla markaana la doon doonaayay.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay howlgalo isdaba joog ah ka wadaan deegaanada Al-shabaab ku dhuumaalaysanayaan,waxaana taasi ku qasabtay in horjoogiyaasha Al-shabaab waayaan meel ay ciirsadaan ama ay kaga dhuuntaad ciidanka Soomaaliya.

SomaliSwiss Ā  Ā  Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: