Heshiis nabadeed oo ay gaareen beelo ku dagaalamay gobolka Hiiraan.

???????????????????????????????Kadib baaqyo is daba joog ah oo mudooyinkii la soo dhaafay ka imaanayay Dowladda Soomaaliya Ugaas yada dhaqanka  iyo qeeybaha Bulshada Soomaaliyeed kaas oo ku aadanaa Hashiis laga gaaro Dagaal Beeleedyo u dhaxeeya dad walaalo ah oo ku dagaalamayay Deegaanada Deefoow  Jeereey iyo Kabxanleey ee gobalkan Hiiraan ayaa maanta kulan dib u heshiisiin ah ku yeeshay Xarunta Maamulka Gobalkan Hiiraan. (SAWIRRO)

Gogosha  kulanka waxaa si wada jir ah u soo qabab qaabiyay ugasyada labada dhinac ugaas C/raxmaan ugaas Khaliif ugaas Rooblle iyo ugaas Gaarane ugaas Aadan ugaas Cusmaan  iyadoo maamulka gobalka Hiiraan uu lahaa fududeeynta gogosha.

Kulanka oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen odayaasha Labada dhinac waxaa si wada jir ah u muujiyeen in heshiis buuxa laga gaaray xiisadii u dhaxeeysay walaalaha wada daga Gobalka.

Waxaa goobta ka hadlay ugaasyadii soo qaban qaabiyay Kulanka ugaas C/raxmaan iyo ugaas Gaarane, sidoo kale waxaa halkaasi laga aqriyay Qodobadda labada dhinac ay ku heshiiyeen.

Gudoomiyaha gobalkan Hiiraan  C/fataax Xasan Afrax oo ugu dambeeytii soo gaba gabeeyay Kulankan dib u heshiisiineed ayaa uga mahad celiayay ugaasyada labada dhinac kaalinta ay ku lahaayeen heshiiska ay gaareen labada dhinac.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

%d bloggers like this: