Afhayeenka guud ee ciidamada AMISOM oo loo magacaabay Mr. Elwa Yaaw.

AMISOM.jpg6War-saxaafadeed ksoo baxay Hoggaanka Sare ee Ciidamada AMISOM ayaa lagu shaaciyay in Col. Cali Aadan Xamuud shaqadii laga fadhiisiyey, isagoo oo afhayeen u ahaa ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM muddo laba sano ah. Colonel-ku ayaa ka mid ah Ciidamada dalka Jabuuti ooka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.

Hoggaanka Ciidamada AMISOM ayaa war-saxaafadeedda ku sheegtay in wararkii uu warbaahinta siiyay Col. Xaamud ay ahaayeen kuwo aan kasoo bixin AMISOM, laakiin ay yihiin kuwo isaga gaar u ah.

Sababta shaqada looga fadhiisiyey Col. Xumad ayaa la sheegay inay ka dhalatay weerarkii ay Al-shabaab ay ku qaaday xarunta AMISOM maalin ka hor, kaasoo socday in ka badan 15-saacadood, inkastoo shalay baqonimadii lasoo af-jaray.

Col. Xumad ayaa xilka afhayeennimada AMISOM loo magacabaay sannadkii 2012-kii, markaasoo ay ciidamada Jabuuti oo uu ka tirsan yahay ay si rasmi ah uga billaabeen gudaha Soomaaliya howlgalkooda AMISOM.

Dhanka kale, war-saxaafadeedka kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in wixii hadda ka dambeeya uu warbaahinta la hadli doono keliya, qof magaciisu lagu sheegay Elwa Yaaw oo loo magacaabay inuu yahay Afhayeenka guud ee ciidamada AMISOM.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: