Ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo shalay si rasmi ah xafiiska ula wareegay ayaa sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo ku iman doonta wada-tashi loo wada-dhan yahay.
Mudane Sharma’arke oo wareysi siinayay idaacadd VOA-da ayaa xusay inaysan jirin wax u diidaya wasirradii xilka banneeyay inay ka mid noqdaan xukuumadda uu soo dhisi doono, isagoo intaas ku daray in xukuumaddiisu ay noqonayso mid la jaan-qaadda waaqiciga siyaasadeed ee dalka ka jira.
“Xukuumaddaan soo dhisayo waxay noqonaysa mid waaqiciga siyaasadeed ee dalka ka jira ku imaanaysa, anigoo aan doonayn inaan faahfaahin intaas ka badan ka bixiyo, haddana waxaa wax lagu soo xuli doonaa habka ka jirta dalka”.
Sidoo kale R/wasaaruhu wuxuu rajeeyey, ” in xukuumadda uu soo dhisayo in baarlamaanka ka hesho cod aqlabiyad ah, sidii aan aniguba shalay u helay, mana jirto cid u diidaysa inay wasiiradii hore ka mid noqdaan xukuumadeyda,” ayuu yiri RW Cumar C/rashiid mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd in wasiirradii hore ay ka mid noqonayaa xukuumaddiisa iyo in kale.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale la weydiiyay waxyaabaha ay xukuumadda uu soo dhisayo ahmiyadda siinayso 100-ka maalmood ee ugu horreysa, wuxuuna ku jawaabay.
“Qorshaha inoo dagsan waa in xasillooni siyaasadeed la helo, in ammaanka dalka cagaha dhulka loo dhigo, in la dhameystiro howlaha dhiman iyo inaan ka shaqeynno sidii dalku ku gaari lahaa doorasho sannadka 2016-ka.”
Waxaa sidoo kale la weydiiyay su’aal kale oo ahayd waxyaabaha uu doonayo inuu ka qabto howlaha dowladda harsan maadaama inta uu xafiiska joogayo ay 20-bilood tahay howsha taallana ay aad u badan tahay, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhameystirka dastuurka iyo diyaarinta doorashooyinka, wuxuuna kaga jawabaay su’aashan.
“Hadda waxaa la dhameeyay guddiga dastuurka oo howshooda ayay billaabi doonaan… haddana waxaa la ansixiyay guddiga xuduudaha iyo federaalka, tii doorshooyinkana waxaa la sameynayaa markii xukuumaddu ay salka dhigato si dhaqso ah ayaana baarlamaanka loo horgeynayaa si uu u meel-mariyo.”
Ra’iisul wasaare Sharma’arke oo mar kale la weydiiyay inay dhici karto inay waqti dheeraadd ku darsadaan, maadaama howsha taalla ay tahay mid aad u badan waqtiguna yar yahay, ayaa sheegay inay ku dadaalayaan in waqtigii loogu talo-galay inay doorashooyinku dhacaan aanay howshu nala dhaafin.
Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa sheegay in muddada uu xilka hayo inuu ballanqaadayo inuusan khilaaf u dhexeeya isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh uu dhaco, isagoo sheegay inay labadooduba isku waafaqsan yihiin inay wada-shaqeeyaan khilaaf la’aan, uuna rajeynayo in sidaas ay wax walba noqdaan.
Ugu dambeyn, waxaa la weydiiyay Sharma’arke in xukuumaddii hore ee uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa intii u dhexeysay 2009-kii illaa 2010 inay-kii ku lug lahayd is-fahamkii badda ee u dhexeeyay Somalia iyo Kenya, dowladda hadda jirtana ay dacwad arrintaas ka gudbisay, dad badanna farta ayay idin ku godayaan, haddaba maxaa arrintaas kaaga qorsheysan, wuxuuna kaga jawaabay su’aashaas.
“Marka hore sida dadku ay u fasirteen arrintaas waa mid khalad ah, innagu qorshaheennu wuxuu ahaa inaan badda Soomaaliya oo 200-nml ahayd aanu gaarsiinno 350-nml, labada dalna aysan dagaalmin ee ay wax uun isku af-gartaan oo aan la isku xad-gudbin. Aniguna ma doonayo in dhul ama bad ay Soomaaliya leedahay ay cid kale qaadato.”
Si kastaha ha ahaatee, ra’iisul wasaaraha xilka la wareegay ee Soomaaliya, Cumar C/rashiid ayaa waxaa xilka u magacaabay 17-kii bishan December madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo shalayna ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen xildhibannada baarlamaanka Soomaaliya.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.