Sii-haayayaasha xilalka wasaaradaha Caafimaadka ,warfaafinta, ku xigeenka wasaarada dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Soomaaliya ayaa maanta isbitaal ay gacanta ku hayso hay’ad laga leeyahay wadanka Masar ku booqday Faadumo Xasan Maxamuud oo ah hooyo 4 caruur ah saakay ku dhashay magaalada Muqdisho, iyagoona gaarsiiyay deeq lacageed oo ay ugu tala galeen haweeneydaasi iyo caruurteeda.
Mas‘uuliyiintan ayaa waxay xaalada Haweeneydaasi ka wareysteen maamulka Isbitaalka , waxaana ay soo indha indheeyeen xaaladda caruurtaasi oo ku jiray dhaladda loogu tala galay in caruurta lagu koriyo ,
Sii-hayaha xilka wasiirka caafimaadka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Maxamauud Cali Xareed oo warbaahinta kula hadalay isbitaalka hooyadani iyo caruurteeda lagu dabiibayo markii ay soo dhamaysteen kormeerka ayaa balan qaaday in wasaaradda caafimaadka ay ku dadaali doonto sidi ay wax ugu qaban lahayeen xaaladda caafimaad ee hooyadaasi.
Sidoo kale Sii-hayaha xilka wasiirka warfaafinta Soomaaliya mudane Mustaf Sh Cali Dhuxulow oo hogaaminayay wasiirdaasi maanta booqday hooyadaasi ayaa shacabka Soomaaliyeed ee wax heysta ugu baaqay in ay ay soo caawiyaan Hooyo Faadumo Xasan Maxamuud.
Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa waajib uu ka saran yahay in ay gar-gaaraan hooyadani iyo caruurteeda oo ah dad jilicsan ee aan awadoodin in ay maareeyaan xalaadooda.
SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.